Uganda Airlines oo bilowday duullimaadyo toos ah oo Muqdisho ah (Muqdisho oo rikoodh dhigtay)

0

(Muqdisho) 29 Agoosto 2019 – Waxaa maanta markale duullimaadyadii ay Muqdisho, Somalia ku tegi jirtey dib u bilowday shirkadda dayuuradaha Uganda Airlines.

Dayuuraddan UA oo dib loosoo celiyay kaddib 18 sano ayay Muqdisho noqotay meesha ugu tikit jarashada badan marka guud ahaan la eego afarta magaalo ee lagu bilaabay duullimaadyada shirkaddan, sida ay Jenifer Bamuturaki oo ah Agaasimaha Ganacsigu u sheegtay The EastAfrican 

Muqdisho ayaa kaalinta 1-aad ugu jirta Uganda Airlines dhanka tigidhada, waxaana ku xigta Nairobi, iyadoo Entebbe ka duulaysa 5.37am isla markaana Aden Adde International Airport ka degeysa subax hore 8:0am.

Uganda Airlines oo ay gacanta ku hayso dowladda dalkaasi, waxay haatan duullimaadyadeeda ku bilowday Nairobi, Dar-es Salaam, Juba iyo Mogadishu.

“Sababta keentay kororta tigidhada Muqdisho waa annaga oo duullimaad toos ah ku tegeyna Muqdisho iyo dad badan oo Soomaali ah oo Kampala ku nool,” ayay raacisay Ms Bamuturaki.

Hadalsame Media