Shirkadaha isgaarsiita Somalia waxay ku amaanan yihiin meel ay ku eedaysan tahay DF Somalia

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2019 – Shirkadaha xawaaladaha iyo taleefannadu waxay naga mudan yihiin ammaan. Dantooda iyagoo wata, ayey haddana dadka ka soo saareen xilliyo adag. Maxay hooyo maqashiiyeen codkii wiilkeeda. Maxay aabbe tuulo ku abaaraystay u keeneen boqol doollar oo aanu fileyn.

Laakiin iyaguna ha ogaadeen in lagu tiirsan yahay, oo maanta markii adeegga lacag bixinta electroniga ah shaqayn waayey, dhawr saacadood ayaa la isku ceeboobay.

Masuuliyaddu waxay saaran tahay dawladda. Iyadaa shacabka matasha. Dawladda iyo shirkaduhu ha ka wada shaqeeyaan qorshe lagu ballan qaadayo socodsiinta adeegga muhiimka ah.

Waxyaabaha ay ka mid yihiin in uu dalku lacag kaash ah yeesho waa asaasi waana arrin ay ku eedaysan tahay DF Somalia oo aan weli wax lacag ah oo sarrifmaya dalka usoo saarin, taasoo dadka masaakiinta ah biddaal la’aan iyo sicir bararba u leh.

Adeeggu waa hanti shacab.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media