Halka ay iska shabbahaan FUUNDIGII guryaha uu dhiso farataysan jirey & dowladnimada Soomaalida

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2019 – Fuundi ama wastaad ayaa magaalo ka dhisi jirey guryaha. Lacag badan lama siin jirin marka wuxuu guryaha uu dhisayo u samayn jirey meel uu habeenkii ka soo galo si uu uga xado alaabta. Dhammaan guryaha uu dhisay, waxay lahaayeen daloolo qarsoon oo uu naftiisa u samaystay.

Dalooladaas qaar wuu ilaawi jirey meeshii uu ka sameeyey qaarna waa ka faa’iidi jirey. Fuundigii tuugga ahaa hadda waa horuu dhintay, laakiin guryihii weli waxay leeyihiin daldalooladii oo maalin walba waxaa lagu arkaa biyo ama abeesooyin aan la aqoon meel ay ka soo galeen. Godadkii Fuundiga waxaa ka faaii’aday tuugo kale, bahalo iyo qabowga iyo biyaha oo reeraha u soo gala.

Oday gurigii ku biyoobay ayaa yiri gurigaygu wuxuu noqday sida hab dawladeedkii iyo dastuuradii Soomaalida oo aan danta guud lagu salayn jirin, oo dad ama qabaa’il gaar ah loogu danayn jirey oo hadhow belaayo ku adeegan jirtey.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media