SAWIRRO: SAMBABADII adduunka oo mar qura GUBANAYA (Afrika oo uu ka socdo dab ka badan midka Amazon)

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2019 – Madaxda dunida ayaa doonaya inay si wadareed ula dagaallamaan dab kaymeedka Amazon qaybta Brazil, balse muuqaallo dhanka satellite-ka laga qaaday oo ay samaysay NASA muujinaya in sidoo kale ay holcayso kayn roobaadka Afrika.

Dhirta holcaysa oo ku fadhida dhul dhan hal milyan oo mayl oo jibbaaran oo ka tirsan Biya-baxada Congo, ayaa lagu naanaysaa ”sambabka 2-aad ee dunida” kaddib Amazon, maadaama ay dhirtaasi dunida ka nuugto gaaska Carbon laba ogsaydhka ee gacanta ka gaysta cimilada sii kululaanaysa, iyadoo taa biddaalkeeda dunida usoo saartay 40% ogsijiinta aan u baahan nahay.

Kaymo roobaadka Afrika ayaa waxaa ku fadhiya dalal ay ka mid yihiin Democratic Republic of Congo, Gabon, Congo, Cameroon iyo Madagascar.

Sida uu faafiyay Weather Source, waxaa jira dab 48-saacadood ay dambaaburihiisu ka baxayeen dalka Angola, kaasoo kaba badan midka ay warbaahinta caalamku ku fooggan tahay ee Brazil ka holcaya. Sidoo kale ayaa ka socota dalka Afrika ugu kaymaha badan ee Congo.

”Afrika kaymahani waxay u gubanayaan sabab ka duwan Amazon. Waayo Amazon waxaa ugu wacan cimilada is bedeshey iyo jiilaal, halka Afrika ay beeralaydu gubayso,’ ayuu yiri Tosi Mpanu Mpanu, oo ah Danjire iyo nin cimilada u dhaqdhaqaaqa oo Conglese ah.

Kaymo dhireedkan ayaa marka laga soo tago inay muhim u tahay kumanaan gacalo oo xayawaan ah oo aan qaarkood meel kale laga helin, waxaa sidoo kale ku nool dad ab ogaa ah oo abidkood halkaa ku noolaa.

Hadalsame Media