DHEGEYSO: Siyaasiyiinta Sweden oo u midoobey cambaaraynta dilkii loo gaystey gabadhii ilmaha sidatey + warar kale

0

(Stockholm) 27 Agoosto 2019 – Siyaasiyiinta Sweden oo Mucaarad iyo muxaafidba leh ayaa cambaareeyay kuwii ka dambeeyay dilkii shalay haweenayda ilmaha sidatey loogu gaystey jid ku yaal xaafadda Ribersborg ee magaalada Malmö, kuwaasoo uu Wasiirka Cadaaladda Sweden Morgan Johansson uu ku tilmaamay ’’dugaag aan la aqoonin’’ oo meel kasta laga ugaarsa doono. 

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Moderaterna, Ulf Kristersson ayaa Dowladda ku dhaliilay inay ka caga jiidayso hindise ka yimid dhankooda oo ah in si adag loo ciqaabo dembiilayaasha abaabulan.

RW Stefan Löfven (S) ayaa toogashada Malmö ku tilmaamay wax laga yaqyaqsoodo oo aan ka tarjumaynin bulshada Sweden. Wasiir A Gudaha Sweden Mikael Damberg (S) ayaa isna berri Malmö kula kulmaya Booliiska.

Halka hoggaanka xisbiga Kristdemokraternas Ebba Bush Thor ay soo jeedisey in tillaabooyin xooggan laga qaado gacan ka hadalka noocan ah.

Hoggaanka xisbiga Liberalerna ee Nyamko Sabuni ayaa shiishka saartay dowladda.

”Howsha ugu muhiimsan ee dowladda u taallaa waa inay hubiso amaanka muwaadiniinteeda, taasoo ah arrin aynu gebi ahaanba ku fashilannay, waxaan ula jeedaa in la gaarey xilligii aan is nadiifin lahayn,” ayay tiri.

……………………………………………

Dhowr xisbi oo Swedish ah ayaa soo jeediyay in ay Sweden xabsiyo ka ijaarato dalal dibedda ah, taasoo ah tillaabo ay horay u tijaabisey dowladda Norway.

Hay’adda arrimaha dembiyada ee Kriminalvården ayaa horay u sheegtay inaysan Sweden haynin xabsiyo ku filan. Waxaa fikirkan horay u qabey xisbiga soo galooti diidka ah ee SD.

……………………………………………

Nin middi ku hubaysan oo lagu qiyaasay 55-jir ayay booliisku ka qabteen bannaanka iskuulka Forsnässkolan ee magaalada Munkfors. Stefan Dangart oo ah afhayeen Booliiska u hadlay ayaa ka warramaya inay ardayda wax soo gaareen.

”Inta aan ogahay maya, wax dhaawac jireed ihi ma dhicin, balse carruurtu waa cabsanayaan sida cad,” ayuu yiri.

 

Hadalsame Media