DHEGEYSO: Dhaqaalaha Sweden & adduunka oo hoos u dhac samaynaya (Saadaal)

0

(Stockholm) 27 Agoosto 2019 – Hubaal la’aanta dhaqaale ee dunida iyo dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha oo lagu daray qorshaha Brexit ee ay Britain uga baxayso Midowga Yurub ayaa keentay in bankiyada waawayn ee Sweden sida Swedbank iyo SEB ay dayriyaan, iyagoo woxoogaa dhimay saadaashii hore ee kobaca dhaqaale ee ay horay uga sameeyeen Sweden iyo caalamkaba.

Swedbank ayaa qaba inay jirto halis wayn oo ah in dhaqaalaha adduunku hoos u dhaco sanadka soo aaddan, iyadoo uu dhaqaalaha maxalliga ah ee Sweden oo dhoofka ku xirani kori doono 1% oo qura, taasoo ka yara hooseeysa filashadii hore oo ahayd 1.5 sanadka 2020, halka uu sanadka 2021 kori doono 1.4%.

Robert Bergqvist oo ah dhaqaale yahan ka tirsan Bankiga SEB ayaa ka warramaya halka sartu ka qurunsan tahay. ‘’Waa kobac liita caalamiyan, waxaana uga daraya dagaalka ganacsi ee Maraykanka iyo Shiinaha, waxaan ka marnayn Brexit, waxaa oo dhamina waxay dhimayaan xawaaraha kobaca dhaqaale ee dhoofka ku xiran.’’ Ayuu yiri Bergqvist.

Swedbank ayaa kobaca dhaqaalaha caalamka ka dhigay mid kori doona 2.9% sanadka soo aaddan ee 2020, taasoo ka hooseeysa saadaalintii hore oo ahayd 3.5%. Sanadkan 2019, wuxuu bankigani saadinayaa inuu dhaqaalaha caalamku kobci doono 3.2%, taasoo 0.1% ka yar saadaashii hore oo ahayd 3.3%.

Dhaqaalayoowga ay sanadka 2020 jugta culusi ku dhici karto waxaa lagu sheegay dhaqaalaha Jarmanka oo ah midka Yurub ugu ballaaran iyo midka Britan oo aad u hooban kara haddii ay heshiis la’aan kaga baxaan ururka Midowga Yurub.

Bergqvist ayaa markale sharraxaya qarada hoos u dhacani gaarsiisan yahay, isagoo tilmaamaya inaysan arrintu halis u ahayn sida ay dadka qaarkood uga dayrinayaan.

‘’Ma doonayo inaan ku tilmaamo hoos u dhac dhaqaale buuxa, waxaa jira eray bixinno badan sida hoos u dhac, hakad dhaqaale iwm, waa erayo marar badan loo adeegsado si yara taxaddar la’aan ah, waxaan ku tilmaami karaa hingo’ dhaqaale, waayo waloow uu koritaanku daciifayo misna ma oran karno waa hoos u dhac dhaqaale oo buuxa.’’ Ayuu ku dooday Bergvist.

Si kasataba, heerka dul-saarka Bankiga Dhexe ee Sweden ee Riksbank ayaan waxba iska bedeli doonin, iyadoo sii ahaan doonta 0.25% ilaa sanadka 2020, waloow 0 la gaarsiin doono oo qura sanadka 2021, sida ay sheegayaan Nordic Outlook oo ka tirsan Bankiga SEB.

Hadalsame Media