Abaanduule Jen. Odawaa oo xilkii kala wareegey Jen. Indha Qarshe

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2019 – Munaasabad siweyn loo soo agaasimay oo ay kaqeybgaleen saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed sida taliyihii hore ee xoogga Major Gen. Daahir Aadan Cilmi, abaanduulihii hore ee Ciidamada Lugta
oo haatan hogaanka cusub ee ciidamada xoogga dalka loo magacaabay xilkaasi, iyadoo munaasabadda Maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Xafladan oo ujeedkeedu ahaa xilwareejinta taliyihii hore iyo midka cusub, ayaa ugu horeyn waxaa kaqeybgalay Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xil. Hassan Ali waxaa sidoo kale kaqeybgalay, Taliyaha maxkamada ciidamada qaabka-sida, taliyaha ciidamada badda, Abaandulayaal, taliyayaasha gaasaska xoogga dalka, kuwa Guutooyinka, Ururada, iyo sidoo kale saraakiil kasocotay ciidamada AMISOM Iyo Midowga yurub.

Taliyihii hore ee ciidamada Xoogga dalka Gen. Daahir Adan Cilmi oo ugu horeyn goobta kahadlay Ayaa uga mahadceliyay saraakiisha xoogga dalka howsha adag ee ay dalka ka qabteen intii ay socdeen Dagaaladii dalka looga xoreynayay kooxda Al-Shabaab waxa uuna ugu baaqay inay la shaqeeyaan Saraakiisha cusub ee xilka maanta la wareegay.

Taliyaha Cusub ee ciidama Xoogga Dalka soomaaliyeed Sareeyo Guuto Gen. Odowaa Yusuf Raage ayaa tilmaamay in ciidamada sidegdeg ah tawabarkooda iyo tayeyntooda ay ku muuqandoonto Isla markaana Xusay in lasoo gaarsiiyey heer aad uwanaagsan oo mudan in lasii ambaqaado dadaalkana lasii labo jibaaro ayuu yiri Mudane Odowaa.

Uga dambeyn, Wasiirka wasaaradda ayaa isna garabkiisa kale amaanay in waxa maantay sida habsami socodka Wanaagsan leh ee goobta kadhacay ay tahay muuqaalka summad sharafeedka ama ifafaalada uu higsanayo ciidama Xoogga Dalka aytahay mid hididiilo siinaysa ciidamada Xoogga meelwalbo ay joogaan, wuxuuna faray in ay ciidamada iskaashiga iyo isgarab istaag muujiyaan si cadowga umadda Soomaaliyeed looga gaashaamo sidaas waxaa yiri Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga.

Waxaa Diyaariyay: Ibraahim Xasan Xaaji

Hadalsame Media