YAAB! Weriye la socdey Wasiir Dibadeedka Iiraan oo arrin lama filaan ah ka sameeyay Sweden

0

(Stockholm) 26 Agoosto 2019 – Intii lagu guda jirey booqashadii uu Stockholm ku yimi Wasiir Dibadeedka Iiraan, Javad Zarif, ayaa waxaa Sweden ku baxsaday weriye Iiraani ah oo magan gelyo waydiistey dowladda Sweden, sida ay faafinayaan warbaahinta Iiraan iyo Jarmanku.

Sida laga soo xigtey Wakaalad Wareedka Jarmanka ee DPA, weriyahan Iiraaniga ah ayaa laga tebey safka wefdigii reer Iiraan ee uu la socdey, isagoo Wasiir Dibadeedka ku wahlinayay booqasho uu todobaadkii tegey ku yimi magaalada Stockholm.

Sida ay iyadna sheegtay Wakaalad Wareedka Iiraan ee Rouydad-24, weriyaha ayaa qaatay biririf sigaar cabis ah, balse markii uu dibedda u baxay baa dad ugu war dambaysay. Waxaana iminka laga war helay inuu Sweden iska dhiibey.

Yeelkeede, hay’adda warbaahineed ee uu ka socdey oo ah Moj News oo fadhigeedu yahay Tehraan ayaa diidey inay xaqiijiyaan iyo inay beeniyaan toona wararkan sheegaya in uu weriyohooda Stockholm iska dhiibey.

“Waxaannu kaliya hubnaa in aanu dib usoo raacin dayuuraddii Wasiir Dibadeedka kusoo celisey Iiraan,” ayuu yiri Amir Mortasawi, oo ah tifaftiraha Guud ee Moj News, oo u warramaya Rouydad-24.

Weriyaha fakaday laftiisa ayaa mar sii horreeysey Twitter-ka kusoo qoray war duur xul ah oo loo fasiran karo in uu horay u maaganaa in aanu dib ugu noqonnin Iiraan, wuxuuna soo qoray: “Qof kastaa isagaa xaq u leh inuu noloshiisa go’aan ka gaaro”.

Wasaarad Dibadeedka Sweden ayaa iyadna ka meermeertay inay wax ka tiraahdo sida ay wax u dheceen, iyadoo war kooban oo dhankeeda kazoo baxay ku gaabsatay sidatan:

“Waqti xaadirkan, Wasaaradda A. Dibeddu wax xog ah kama hayso arrintan,” ayaa ku qornayd farriin danabeed (e-mail) jawaab celin ah oo ay u dirtay hilinka SVT Nyheter oo arrintan wacaal ka waydiiyay.

Hadalsame Media