Somaliland oo shaqadii ka cayrisey 42 shaqaale ah oo ay mushaarkooda bixinaysay DF Somalia

0

(Hargaysa) 26 Agoosto 2019 – Somaliland ayaa maanta shaqada ka caydhisay 42 shaqaale ah oo ka shaqeynayey garoonka diyaaraha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo mushaharkooda laga bixinayey magaalada Muqdisho.

Shaqaalahan ayaa ka tirsanaa hay’adda duulimaadyada adduunka ee ICAO waxayna xukuumadda Somaliland ay ka dalbatay in ay iscasilaan maadaama oo mushaharkooda Muqdisho laga bixiyo, iayada oo u qabatay illaa 1-da bisha September balse saaka ayaa shaqada laga caydhshay iyaga oo gaadiidkoodiina lala wareegey.

Shaqaalaha oo ahaa kuwo ka shaqeyn jiray kala hagista diyaaradaha ayaa dalbaday si ay shaqadan u joojiyaan in mid kale lasiiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkan la wareegtay maamulka iyo maaliyadda Hawada Soomaaliya oo ay ku jirto tan Somaliland. Lama oga sida farsamo ahaan iyo sharci ahaan loo buuxin doono booskoodii.

Xigasho: HCTV

Hadalsame Media