Hay’ad gacan wayn ka gaysanaysa dib u dhiska Somalia oo lagu dhawaaqay (Ninka ugu xilka sarreeya Ciidamada Somalia oo loo dhiibey)

0

(Muqdisho) 26 Agoosto 2019 – RW Somalia, Xasan Cali Khayrre ayaa magacaabay xilka Maareeyaha Guud ee hay’ad cusub oo la yiraahdo Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed, kaasoo loo magacaabay ninka haatan ugu sarreeya Ciidamada Qalabka Sida oo dhan, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska RW ayaa u dhignaa sidatan:

“Markii uu Ra’iisul Wasaaruhu arkay qodobka 100-aad ee Dastuurka dhexe ee KMG ah, isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo dib u howl gelinta Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, uu qiimeeyay waaya aragnimada Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, markii uu garwaaqsaday sida ay lagama maarmaan u tahay in loo howl galo sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaale ee dalka Somalia, isagoo xeerinaya:

1 – In dib loo howl geliyo Wakaaladda Dhismaha Soomaaliyeed, loona bedelo Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

2 – In laga billaabo shalay oo ku taariikhaysnayd 25/08/2019, Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) loo magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed

3 – In xarunta wakaaladda ay noqoto xaruntii hore ee Tika/Bisha Case ee Turkiga oo ku taalla degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.

Hay’addan cusub ee Wakaaladda Hormarinta Dhismaha Soomaaliyeed ayaa ka mid ah qorshayaasha dib loogu soo celinayo hay’aadkii heer qaran ee dalka Somalia ee ku burburay dagaallada sokeeye, iyadoo ay weliba tani asaasi u tahay soo kabashada dalka.

Hadalsame Media