”Waa in la ilaaliyaa hantida Hormuud” – Ilhaan Cumar oo DF kala hadashay arrin ay ka aamusan tahay!

0

(Washington, DC) 26 Agoosto 2019 – Xildhibaannadda Ilhaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka ayaa codkeeda ku biirisay in la difaaco shirkadda Hormuud oo weerarro ka wajahaysa ciidamada KDF ee dalka Kenya oo 10 jeer wax ka badan burburiyay xarumo ay shirkaddaasi leedahay oo ku yaalla gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Ilhaan Cumar ayaa Twitter-keeda kusoo qortay: ”Dowladda Somalia iyo Ciidamada Nabad Ilaalintu waa inay dhoowraan (hantida) shirkadda Hormuud iyo dhamaanba Isgaarsiinta Somalia oo qaaraan wayn u gaysta dhaqaalaha dalka, adeegyo muhim ahna bixiya.

”Markii aan Somalia booqday 20011, waxaan la yaabay isbeddelka deg degga ah ee tiknolojiyadda Somalia.” ayay raacisay Ilhaan Cumar.

DF Somalia ayaan ilaa iminka ka hadlin tacaddiyada ay Ciidamada Kenya ka gaystaan meelaha yar ee ay ka joogaan koonfurta fog ee Somalia, iyagoo u dhaqmaya sidii burcad waloow ay dalka kusoo galeen sharci darro markii dambena si aan laga doodin loogu daray AMISOM. KDF ayaa sidoo kale dilal wadareed aan loo meel dayin ka gaysta aaggaasi.

Hadalsame Media