”Cad idinkana idinka yimid annagana aan na soo gaadhin baa jira!” – Maqaal naqdinaya in gobol kale looga hadlo maqaamka Muqdisho

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2019 – Laba nin oo cir weyn ayaa waxa ay u tashadeen reer ay soo martiyeen, markaasa intaysan reerka soo gaadhin ayay geela soo dhexmareen waxa ay arkeen in geela laba halaad keliya ka irmaan tahay.

Cirweyne ayaa yidhi: War heedheh kolay reerku caanona waa inoo lisayaan, neefna waa inoo loogayaane, waxaad samaysaa ama labada halaad inooga lis ama neefka oo aan waxba ka maqnayn badhidana ku dhehoo inooga keen.

Shire Hunguri ayaa yidhi: Labada halaad baan la lisayaa,
Cirweynena wuxuu yidhi: Neefka oo dhammeystiran baan ka keenaya.

Marti soorku waa dhaqan soomaaliyeed oo soo jireen ah, martidana lama dhabiilo waxna lagama reebto, waxaase dhanka kale jira in martidu marka la agaasimo, iyaduna hamrato oo hilibkana badh aysan taaban reebaan wixii kale ee loo keenana reerka badh u celiyaan, ragganise xeerkaasi ma qabto.

Xaayoow oo marti loo ahaa ayaa raggii golaha geela oo aan ardaagooda ka fogeyn hashii koowaad ugu lisay, waxaa uu ka sugayey inay wadaagaan hadhuubka buuxa oo isu magaabiyaane, sidii lagu balamay Shire Hunguri baa cirweyne ku yidhi: Iska dhan aniga hasha kale ayaa lay lisayaaye.

Xaayoow oo xishoonaya ayaa yidhi: Waa runtiise iska dhan tan kalaan u lisayaa isaga oo magac xumo ka carar ah.
Sidaasayna carruurtii ku jaliyeen oo keligood habeenkaas labadii halaad caanahoodii dhammeen.

Xaayoow waxaa ka dhaadhacsan waa rag daalan oo diifaysane habeen aad qadaa waxba kaa dhibi maaye martida si wanaagsan u agaasim.

Neef baa loo loogay, markii xeedhadii hilibka loo keenay ayay arkeen in Badhidii aysan ku jirin oo Xaayoow marwadiisu la hadhay.

Cirweyne ayaa qori dambe intuu qaatay wuxuu ku dhex wareegay Ardaagii ay joogeen iyo qolqolka reerka, kaddib Xaayoow baa usoo baxay oo yidhi: Maxaad goobeysay?

Wuxuu yidhi Cirweyne: Cad idinkana idinka yimid annagana aan na soo gaadhin!

Xaayoow waa gartay inuu Badhidii raadinayo iyadiina waa u keenay.

Hadda xaalka Madaxweyne Deni ayaa sidaa ah: Waxaa Madaxweyne deni Muqdisho lagu biilaa dhaqaalaheeda, dhammaan shaqaalaha reer Puntland, haddana waxba dhankiisa kama yimaadaan.

Maanta wuxuu yidhi: Intaasi naguma filna ee taladeedana hanalagu soo wareejiyo, dadka degana halaga soo fogeeyo, si aysan waxba uga odhan wax go’aan ahna ugu yeelan.

Haddaba reer Muqdisho ma sidii Xaayoow uu carruurtiisa u jaliyey qadoodigana ugu seexiyey bay yeeli oo Garoowe ayaa aayahooda looga soo talin iyaguna daawadayaal bay ka ahaan, mise waxa ay odhan doonaan, hashaasi iyo xeedhaasi haydin deeqdo, cad kale oo idinka maqani ma jiraane.

Maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahda ” Walaalkaa oo malaba mar lama wada muudsado” Reer Muqdisho waa dad soomaalinnimadu ku weyn tahay xifaaltanka iyo gees gelintuna ku yartahay, waayo ma jirto magaalo dadkeedu ka qatan yahay dhaqaalaheeda oo dadka soomaaliyeed oodhami ku dhaqan yahay 18kii gobol.

Haddaba markii duxdii laga dhergay waxa ay maraysaa taladana gacanta hanoo geliyo aannu ku maamulno dadkan aan waxba kala garanayn!

Haddii reer Muqdisho intay kacaan iska diidaan habkan iyo hannaankan qaloocan ee wax u socdaan, Caasimadda laysu soo raacaye magaceedana wareejiyaan, lana mid noqdaan maamullada beelaysan ee xero geelka ah, maalintaas magac soomaaliyeed oo dambe cid sheegaysa lama arki doono, waxaa hadda dhacayana waa laga qoomamayn doonaa.

Waxaa quman haddaba in sida Puntland aysan u oggoleyn in reer Muqdisho go’aan ka gaadhaan Garoowe, dhaqaalihiisa, doorashadiisa, hab maamulkiisa, inay reer Garoowena faraha kala baxaan joojiyaana kala fogeynta bulshada. Marka aan reer Garoowe leeyaahy maamulka ayaan ujeedaa. Warkani ma ahayn mid bulshada ka yimid.

Reer Muqdishona waxaan leeyahay halkaad joogtaan haddaydaan iska qaadin wax badan oo kalena waa sugi doontaa in aad gacanta dad idiin nacab ah aad ku ka baxdaan.

W. Qoray: Cabdiraxiim H. Gallayr

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media