KUFSADE abaalkiisu waa DIL toogasho ah ama DALDALAAD, waa tan sababtu!

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2019 – KUFSADE XUKUNKIISU WAA DALDALAAD AMA TOOGASHO Shalay waxaan qoray qormo yar oo aan uga hadlay xukun lagu riday wiilal gabar kufsaday. Xukunka wiilashaas lagu riday oo ahaa mid la yaab leh marka loo eego dambiga ay galeen. Wiilasha oo gabar ardayad ah kufsaday ayna ku caddaatay in ay gabadhaas kufsadeen ayaa waxaa lagu xukumay 100 jeedal.

Muuqaal laga duubay wiilasha oo la jeedalinayo (jeedallina ma ahayne) ayaa noqday mid dad badan oo Soomaaliyeed la yaab ku noqday. Qaabka wiilasha usha ama dhangedda loo la dhacayay ayaa ahaa mid aad u jilicsan oo aan wax xanuun ah aan wiilashaas dareensiinayn.

Inta xanjafintu socotay waxa aad maqli kartaa “cod” nin dhahaya “dhaawacna ha u gaysan”. Marka laga yimaado dadka ka argagaxay xukunkaas caddaaladarrada ahaa iyo gaboodfalka gabadhaas loo gaystay waxaa jira dad ku dooday in wiilasha la mariyay sidii SHAREECADA ISLAAMKU qabtay. Dadkaaas waxa ay ku doodeen in wiilashaasi sino sameeyeen, sinada xadkeedu na yahay

1. Qofka guur soo maray ee sinaysta waa la dilayaa.

2. Qofka aan guur soo marin ee sinaysta waa la jeedalinayaa. Wiilashaasina maadaama aysan guur soo marin waa la jeedaliyay waana sidii shareecadu qabtay. Ugu horrayn sida dadka aan kor ku sheegay ku doodayaan sinada xadkeeda ama ciqaabteedu waa sida ay sheegeen ee aan kor ku xusay, waxaase la yaab leh sida dadkeennu uga dhacsan yihiin ama fahamdarro uga haysato mawduucaan ayna u kala saari la’yihiin KUFSI iyo SINO.

Waxa ay u egtahay in dadku eegayaan galmada ama isku galmood labada qof samaynayaan oo kaliya balse aysan eegayn qaabka ay labada fal ama dhacdo ku kala imaanayaan. Waa sax galmo kasta oo ay sameeyaan 2 qofood oo aan is qabin waa SINO. Laakiin marka sinada KUFSI lagu sameeyo iyo marka labada qofood heshiis ku yihiin aad ayay u kala fog tahay u na kala xukun duwan yihiin.

Sinada (2 qofood heshiisla ku yihiin) horay ayaan xukunkeeda uga hadalnay. Kufsiga maxaa Islaamku ka qabaa? Marka shareecada Islaamka la joogo kufsigu waxa uu hoos imanaayaa XIRAABADA (XIRAABAH) oo ay ku jiraan, AFDUUBKA, DHACA, JIDGOOYADA, ARGAGIXISANIMADA, BURBURINTA iyo KHALKHAL GELINTA NABADDA DADWAYNAHA iwm. Dambiyadaas dhammaantood waa fasaadinta dhulka (spreading disorder in the land).

Ciqaabta kuwaas Allaah ayaa Qur’aankiisa noogu sheegay markii uu yiri: إِنَّمَا جَزَاء الَّذِينَ يُحَارِبُونَ اللّهَ وَرَسُولَهُ وَيَسْعَوْنَ فِيالأَرْضِ فَسَادًا أَن يُقَتَّلُواْ أَوْ يُصَلَّبُواْ أَوْ تُقَطَّعَ أَيْدِيهِمْ وَأَرْجُلُهُم مِّنِْلافٍ أَوْ يُنفَوْاْ مِنَ الأَرْضِ ذَلِكَ لَهُمْ ِزْيٌ فِي الدُّنْيَا وَلَهُمْ فِي الآ ِرَةِعَذَابٌ عَظِيمٌ. Waxaa jira xadiis aan u malaynayo in uu Waa’il (rc) wariyay kaas oo sheegay: in cahdigii Nabiga (csw) nin kufsade ah loo dilay ka dib markii naagi tiri waa uu i kufsaday.

Waa’il (rc) waxa uu wariyay in naagi nin horay u kufsaday aqoonsatay ka dib na inta ninkii la qabtay ayaa Nabiga (csw) la hor keenay, dabadeedna ninkii dil ayuu Nabigu ku xukumay. Sidoo kale waqtigii Cumar (rc) uu Khaliifka ahaa ayaa naag ilmo yar sidataa masaajidka timid waxa ayna dadkii u sheegtay in nin kufsaday uu ka dhalay.

Markii ninkii kufsiga lagu eedeeyay la soo qabtay ninkii waa uu qirtay ka dib na Cumar (rc) dil ayuu ninkii ku xukumay. Halkaas waxaa nooga cad in kufsiga ciqaabtiisu aysan la mid ahayn kan sinada labada qof heshiiska ku yihiin. Maskaxda fiyow ma aqbali karto in nin gabar muslimad ah kufsaday oo ku ciyaaray sharafteedi iyo xuquuqdeedi lagu xukumo 100 xanjafinood.

Taasi waa dhiirragelin kufsiga loo samaynayo iyo laysin kufsi oo kufsadayaasha la siinayo si ay gabdho kale u sii kufsadaan. Sidaas darteed maadaama Islaamku xad u sameeyay kufsadayaasha waa in kufsade walba ciqaab daldalaad lagu fuliyo.

Afeef: Ma ahi Shiikh ama Caalim culuumta Islaamla ku takhasusay sidaas darteed waxaan ka cudurdaaranayaa wixii aan gefay iyo wixii ku gefay.

Waxaa Qoray: Cali M Diini

Hadalsame Media