“Markii BAADI Baando loo qoray, Alla maxaa Baando baahi loo qabay!!” (Qiso qooraansi mudan)

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2019 – Xiligii gumeysigii Talyaaniga uu joogey ciida soomaalyeed ayaa waxaa jirtey in meel ka mid ah gobolada dhaxe ee Soomaaliya uu ku noolaa nin Doqon ama nacas ah oo lagu magacaabi jirey Maxamed Baadi, iyadoo ninkaasi sida xoolaha ay reerkiisa u soo hoyn jireen, caqli iyo garasho liidata ayaana lagu sheegey Maxamed Baadi.

Haddaba, waxaa maalin ka mid ah maalmaha dhacdey in Maxamed Baadi uu lumay, lana waayey raq iyo ruux meel uu jaan iyo cirib dhigay. Hooyadii ayaa Wiilka ka maqan dartii waalli ku dhowaatay, waxayna Axmed oo ahaa da’dii ku xigtay Maxamed Baadi fartay inuusan guriga ku soo laaban ilaa uu war cad ka keeno xaaladda walaalkii.

Axmed siduu u baadi goobaayey walaalkii ayuu ugu dambeyntii wuxuu magaalada Beledweyne caasimadDa gobolka Hiiraan uu ugu yimid Maxamed Baadi oo loo qoray askartii Talyaaniga ee loo yaqaaney “Baandada” oo albaabka ka taagan xafiiska gudoomiyahii Talyaaniga u dhashey ee Gobollada Dhexe oo xilligaas fadhigiisu ahaa Beledweyne.

Maxamed Baadi walow uusan caqli bartii lahayn, waxaa Eebbe ku manaystay Filsami joog iyo Jamaal Gole-joogsi wacan u dheer yahay, muuqaalkii haybadda lahaa ee Maxamed Baadi ayaa wuxuu soo jiitay Gudoomiyahii Talyaaniga ahaa waxuuna amray tababar in la siiyo ka dibna inuu albaabka xafiiska ka furo, markuu soo galayana salaan qac ka siiyo.

Axmed ayaa dabeed reerihii ku laabtay, wuxuuna u sheegay inuu Beledweyne ku soo arkay Maxamed Baadi oo loo qoray Askari ka tirsan ciidankii Talyaaniga uu sameeyey ee loo yaqaaney ”Baando.”

Waxaa hadaba dhacey in habeenkii ay dhalinyaradii caweyska isugu timid ciyaar tunteen, dabeedna gabar ayaa ciyaartii ka booday, waxayna ku maansootay “Markii Baadi Baando loo qoray, Alla maxaa Baando baahi loo qabay”.

Sheekadan waxaan u soo qaatey markaad eegto berigii hore Soomaalida dadka doqomada ama nacasyada ah waa ku yaraayeen oo dad tirsan bey ahaayeen, laakiin waayahan malaha xisaab ma leh oo tirada ayey ka bateen doqomada haba u badnaadeene kuwa siyaasiyiinta ah.

Nin odey ah oo aan saaxiib nahay baa igu yiri nimanka siyaasiyiinta u ah Soomaalida, gaar ahaan kuwa madaxda ah doqomo liita in ay yihiin waxaad ku garan kartaa waxaa caqli iyo u indho ah ajnabiga gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya oo ay u kala dhuuntaan waxaana ay ogol yahiin in la isku diro, dhulkooda hooyo lagu maamulo mar la yiraahdo dadkiina laaya, qaar gaajo ku dila, qaarna qaxiya, markaasey iyagana madaxa u luxaanoo yiraahdaan ”waan qaadaney amarkiina.”

Saaxibkey waxuu intaa ii raaciyey Madaxweyneyaasha tirada beeley, Wasiirada iyo Xildhibaanada in yar oo fara ku tiris ah mooyee 95% ragaasi waa doqomo hadii guriga ay degan yahiin ay toosiyaan oo usoo hoydaan nasiib ayay leeyihiin, waxaana xaga caqliga ay kala mid yahiin ninkii doqonimada ku caan baxey ee Maxamed Baadi la oran jirey ahna ninka ay ka hadleyso sheekadan.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Nuur M Colombo

Hadalsame Media