DHEGEYSO: Sweden oo isha ku haysa dadka iska daldalanaya DAYMO aysan bixin karin!!

0

(Stockholm) 26 Agoosto 2019 – Dad badan oo qaamo la daalaa dhacaya ayaa misna awood u yeesha inay qaataan qaamo hor leh. Hiwa ayaa ka mid ah dadka daymahaa iska qaad qaata si uu ugu maalgeliyo howlihiisa dhanka qamaarka ah, isagoo qaatay 25 qaamood oo is xig-xiga, iyadoo aan marna loo diidin.

Waxaa u sal ah in waloow sharikaadka qaamaha bixiyaa ay sharciyan xaq u leeyihiin inay baaraan xogta qaameed ee qofka ay wax amaahinayaan, misna tan iyo markii ay 5 sanadood ka hor howshan la wareegtey wakaaladda Indha-Indhaynta Maaliyadda Sweden (Finansinspektionen) ma jirto hal hay’ad oo ka mid ah kuwa qaamaha bixiya oo rukhsaddii lagala noqday.

”Waxaa jirtey mar aan maalin kasta qaan qaadan jirey hal, laba, seddex jeer. Marka aad dalbato waxay lacagtu kuu imanaysaa 2-3 saacadood kaddib. Waxaa jirta xog qaameed oo ay arki karaan waxa aad qabato, balse saasooy tahay lacagta way ku siinayaan, ayuu yiri Hiwa.

Hiwa wuxuu haatan qabaa qaan gaaraysa ku dhowaad 3 milyan oo karoon, balse kaligii kuma aha dadka noocan ah ee qaamaha daldasha. Pia Granberg waxay la taliye ka tahay jamciyad la shaqaysa dadka ku tiirsan qamaarka oo fadhigeedu yahay Stockholm.

”Waxaan dhihi lahaa dadka noo yimaada badankood waxay qabaan qaamo kala duwan oo fara badan, marka waa inay jiraan siyaasiyiin iyo hay’aad mas’uuliyad leh oo arrintan wax ka qabta,” ayay tiri Pia Granberg.

Hay’adda Indha-Indhaynta Maaliyadda ee Finansinspektionen waa hayad heer qaran ah oo caadiyan soo baarta inay shirkaddu xaq u leedahay inay lacag amaahato ama amaahiso, sidoo kale waxay ruqsadda ka xayuubin karaan sharikaadka lagu helo inaysan wadin “ganacsi caafimaad qaba”. Per Nordkvist ayaa sharraxaya waxa ay qabatay hay’addani tan iyo markii sharciyaynta arrintan loo xilsaaray 2014-kii.

”Weli wax rukhsad ah kalama noqonin hay’aadka wax amaahiya, balse sharcigani wuxuu dhaqan galay dhowr sanadood ka hor. Shaqada badankeed waxay dhacdaa xilliyada aannu hubinayno hab-raacooda shaqo iyo inay waafaqsan yihiin shuruucda degsan,” ayuu yiri Nordkvist.

Anna Hult, oo ah qarreenad ka tirsan hay’ad u doodda Macaamiisha Sweden, ayaa sheegtay inay u kuur gelayaan warbixinno laga soo diyaariyay cabashooyinka dad badan oo ay arrintan dhibaato kasoo gaartey.

”Inaan iskeen u helno shirkadda ku habboon in dib u eegis lagu sameeyo waa nagu adag tahay. Balse macmiil ahaan waxaad arrintaa ogaysiin kartaa Hay’adda Macaamiisha, taasi waxay na siinaysaa tilmaan ku aaddan in aannu dib u eegis ku sameeynayno sida ay u shaqayso ama xogta qaameed u baarto hay’adda farta lagu fiiqayo,” ayay tiri Hult.

 

Hadalsame Media