Baro inta KHATAROOD ee ku hareeraysan SHIISHADDA aad dhuuqayso!

0

(Hadalsame) 26 Agoosto 2019 – Nasiib darro, waayadaan dambe waxaa bulshadeena kusoo badaneyso isticmaalka balwada shiishada Dhallinyaro badan oo Somaaliyeed ayaa ku qaldantay oo misane lagu qalday Shiishada. Qaar ka mid ah dhallintaas ayaa ku dooddaan in Shiishaddu aysan caafimaadka dhib ku ahayn,

Hadabba, maqaalkaan waxa aan kaga hadli donaa saameynta ay cabista Shiishadu ku yeelan karto caafimaadka qofka caba iyo qofka ka ag dhaw meelaha lagu cabyo.

WAA MAXAY SHIISHADU ?

Shiishaddu, waa dhuumo biyood loo isticmaalo in lagu dhuuqo tubaako lagu qasay fruits sida: Tufaax, Qarre, Qunbe iyo wixii la mid ah.

Magacyo kala duwan ayee u yaqanan dadka dunida ku nool sida: Hookah, Narghile, shiisha, Hubble-bubble iyo waterpipe.

Bulshada isticmaasho balwada shiisha waxey aamin sanyihin in shiishadu eey ka halis yaratahay sigaarka, waliba eygoo ku dooda in Shiishada lagu darsan karo macmacaan (Flavors), balse waxaa la xaqiijiyay wax waliba ooo aad ku darsto in mar kasta ay halistii sunta Carbon Monoxide iyo doroogooyinka kaleba aysan meesha ka baxayn.

Sidoo kale baaritaan cilmiyed la sameeyay ayaa lagu xaqiijiyay shiishada inay ka wax yeelo badantahay sigaarka. Hal saac oo aad shiishad cabtid waxay u dhigantaa 100 sigaar ama wax ka badan cabay.

Daraasad eey sameyeen ururka caafimdka aduunka oo loo soo gabayio WHO sanidii 2008 waxaa lagu sheegay sanadkii 5 miiloin iyo 400 oo kun eey u dhintaan dhamaan wax yaabaha la qiiciyo sida shiishada, sigaarka iyo wixii la mid ah.

Waxaa kaloo rechekaas lagu sheegay hadii aan la joojin ama layereen 2020 in eey u dhiban kareyso sanadii 10 miliion .

WAA MAXAY CUDURADA LAGA DHAXLO SHIISHADA?

Cabida shiishadu waxey leydahay dhibaatoyin caafimad oo dag dag ah iyo kuwa mudo dheer kadib ku saameyne donto hadii aad balwadaas sii wado.

DHIBAATOYIN KA DAG DAG EEY SHIISHADU U LEYDAHAY CAAFIMAADKA WAXAA KA MID AH:

• Wadna garaac ama garac wadnaha oo zaaid noqoda. Hadii uu garac wadahaaga uu bato waxaa qatar ugu jirtaa in wadnaha uu shaqadiisa uu gabo uu awoodi waayo jirka intisa kale in uu dhiig siyo maxaa yeaaly wadanu wa xubinta kaliya jirka dhiiga gaasriyo,
ama in uu strok uu galo maskaxda dhiig kaga furmo sidoo kale waxaa imaan kara hadii wadnaha shaqdisa uu gabo Dhimasho dag dag ah .

• Shaqada sanbabada oo dhantaalnaata qofka waxa uu daremayaa daal dhanaka neefta aha.

• Sidoo kale Hurdada yarto.
• Shuban,baahi badan
• Caajisa ama aboodiisa daciifta qofka
• Madax xanuun
• Wal wal iyo caro badan

DHIBAATOYIN KA FOG EEY SHIISHADU U LEYDAHAY CAAFIMAADKA WAXAA KA MID AH:

Balwada Shiishada hadii aa soo bilwday dhowr sano ka hor oo ilaa iyo haatan aad wali balwadaas leydahay waxaa Qatar ugu jirtaa cudarada soo socda sida:

• Dhuunta laga dhuuqo Shiishadda, ayaa ah mid dad badan ay wadaagaan, taasoo si fudud u horseedi karto in lagu kala qaado infections diseases sida :

1 = Oral herpes( infection ku dhaca afka ,lips ciridka).
2 = Tuberculosis ama ama qaaxada
3 = Hepatitis nucyadaisa kala uban influenza iyo
4 = Bakteeriyada gaaska keento ee “H. Pylori”.maadaama ay macquul tahay in qofka aad la wadaageyso uu jirranyahay.

• Cancerka nuucyadisa kala duwan sida kan ku dhaca sanbabada , hunguri mareeyn ka.

• Sidoo kale waxaa halis ugu jirtaaa cudarada ku dhaca sanbabda sida ( chronic bronchitis, and emphysema).

• Waxey kuu keni kartaa cudarada wadnaha .

• Sidoo kale waxey kugu sababeysaa cudrada ku dhaca ciridka Maadada Nicotine iyo Cotinine oo shiishada ku jiro ayaa dhaawacdaa ciridka, waxayna keentaa caabuq ciridka ku dhaco.

DUMARKA BALWADA SIISHADA LEH WAXA EEY QATAR UGU JIRAAN:

• Dumarka balwada shiishada leh caruurta eey dhalaan waxey khatar ugu jiraan cudarada ku dhaca hawo marnada ( respiratory diseases).

• sidoo kale miskaanka caruurta eey dhalaan wuu ka yarayahay marka loo fiiriyo hooyoyinka aan balwadaas laheyn caruurta eey dhalaan.

• Sidoo kale dumarka balwdaas leh waxey Qatar ugu jirtaa premature labour . ama fool an waqtigeda la gaarin.

RAGA BALWADA SIISHADA LEH WAXA EEY QATAR UGU JIRAAN:

• Decrease sperm motility . Awoodda minida ama shahwada oo daciifta.
• Sidoo kale raga balwdaas shiishada leh inta badan ma soo saran sperm, ama mani caafimd qabo. Taasna waxey kugu sababeysaa minda in eey yarto lifespan.
• Shiishada waxey yareysaa abooda raga eey ku soo saranayaan shabada ama manida.

W/Q: DR Faaris Al Caddaas

Xigasho: Cabdulqaadir Mustaf Cabdullaahi

Hadalsame Media