”Ha i furo waa i jecel yehee!!” – Haweenay sabab la yaab leh ninkeeda ku qoonsatay!

0
Arab couple with a woman arguing to her husband isolated on a white background

(Dubai) 24 Agoosto 2019 – HAWEENEY u dhalatay Imaaraadka ayaa Ninkeeda ka dalbatay FURRIIN, waxaana ay ku eedeysay in uu si Xadka ka baxsan u jecel-yahay. Iyada oo Maxkamadda la hadlaysa waxey tiri waxan aad ula yaabanahay jacaylkiisa xad dhaafka ah waxaana mararka qaar aniga oon ka dalban uu ila Nadiifiyaa Guriga.

Waxey kaloo ay tiri waxa uu ii kariyaa cuntada waligeyna nama dhex marin wax khilaaf ah waxaana nolosheeda ay ku cabirtay sida Qof ku jira NAAR. Waxey kaloo tiri wuxuu ii keenaa Hadiyado qaali ah wuu ii Qubeeyaa sido kale wuu i cafiyaa Hadii aan khalad ka galo.

Waxey ku so gaba-gabeysay in ay dooneyso nolol run ah oo aysan niyad u hayn noloshan bilaa Buuqqa ah.

Hadaba su’aasha ayaa ah Maxey Dumarku ku neceb-yihiin Ninka u Naxariista una Qadariyaan Ninka Bilaa Naxariista ah ee aan wax dan ah ka gelin?

Lamaanahan ayaa is qabey muddo sanad ah oo qura.

Waxaa Diyaariyay: Faysal Boston

Hadalsame Media