XOG: Somalia oo iska diiddey qorshe ay gadaal ka taagan tahay Kenya oo uu u keenay Midowga Afrika!!

0

(Muqdisho) 24 Agoosto 2019 – DF Somalia ayaa dhegaha ka furaysatay qorshe lagu doonayay in lagu qabto kulan lagu sheegay ”mid lagaga wada tashanayo muran badeedka Somalia-Kenya” oo uu soo qaban qaabiyay Guddi ka mid ah ururka Midowga Afrika.

Warar ku dhow xayndaabka hoose ee DF Somalia ayaa noo sheegay inay heleen martiqaad toos ah, yeelkeede, Wasaarad Dibadeedka Somalia, oo lasoo saaray 21-kii bishan Agoostoda ayay Somalia ku sheegtay inaysan waqti xaadirkan diyaar u ahayn inay arrintaa kala hadasho Kenya, maadaama taa horay loogu fashilmay, isla markaana la hor geeyay Maxkamadda Cadaaladda Cdduunka ee ICJ ee magaalada Hague oo ay Somalia sheegtay inay ku kalsoon tahay go’aan kasta oo kasoo fula.

Doodda ay Kenya oogtey ee labada dal ayaa haatan hor taalla Maxkamadda ICJ, iyadoo lagu wado in lagu dhegeysto Guriga Nabadda Holland 9-13-ka bisha Sembtembar ee soo aaddan.

Kenya ayaa hollinaysa tillaabooyin badan oo ay dadka diblomaasiyadda yaqaannaa ku tilmaameen kiis iska waal iyo qar iska xoor, kuwaasoo ay ku sheegtay inay Somalia ku khasbi doonaan inay soo hor fariisato oo dhulkeeda kula gorgortanto, balse weli taasi uma hirgelin.

Hadalsame Media