Hab-nololeedka Ousmane Dembele oo laga dayriyay & waxa ka khaldan noloshiisa + Sawirro

0

(Barcelon) 23 Agoosto 2019 – Markii ay Barcelona iibisey Neymar oo qabtay Paris Saint Germain oo ku khasirtay €216milyan oo euro (£198m) sanaddii 2017 dhowr weriye ciyaareed oo reer Spain ihi walaac ayay muujiyeen.

Waxay ka welwelayeen waayista wiilka reer Brazilian in ka badan lacagta faraha badan ee ay gacanta ku dhigeen dadka go’aanka u gaara kooxda reer Catalonia.

Barca waxay lacagtaa oo dhamayd €300m (£275m) qayb ka mid ah kasoo bixiyeen Philippe Coutinho iyo Ousmane Dembele oo yimi shantii bilood ee xigey.

Haddaba, haatan oo uu Coutinho durba amaah ku aadey dhanka Bayern Munich, waxaa sidoo kale si dhaqse ah u sii qiime dhacaya Dembele, oo qayb ka ah maalgelinta lagu sameeyay malaayiintii laga helay Neymar, iyadoo ay Nou Camp kasoo baxayso sheeko aan la jeclaysan.

Wakiilkiisa Moussa Sissoko ayaa Talaadadii sheegay inuu laacibkani ‘1000 boqolkiiba sii joogayo kooxda Barcelona oo uu funaanadeeda sharfi doono’.

Yeelkeede, qof kasta haatan ma jecla inuu sii joogo, iyadoo taageerayaasha qaarkood ay soo jeedinayaan in wax laga caynsado inta goori goor tahay oo la fasoxo, waloow ay qaar qabaan in woxoogaa loo sabro.

Ha yeeshee, bandhiggii Dembele ee todobaadkii 1-aad ee horyaalka La Liga ma ahayn mid taageerayay qaddiyadda qaarka qaba in uu sii joogo.

Kulan bilowgii horyaalka ee ay Jimcihii Barca soo bandhigtay wax lagu tilmaamay tii ugu xumayd markii ay ka adkaatay kooxda Athletic Bilbao, isagoo kubado badan looga xoogayay ama u luminayay si sahlan.

Kaaga darane, Dembele maadaama  uu jug dhanka muruqa ah uu ciyaartaa kala kulmay waxaa la isku ogaa inuu subaxa Sabtiga usoo jarmaado si baaritaan loogu sameeyay, balse wuu gooyay.

Wuxuu taa biddaalkeeda u duulay dalka dibeddiisa, iyadoo ay saxaafadda Spanish-ku isla dhex martay inuu aadey dalkiisa Senegal. ‘Run maaha,’ ayuu yiri wakiilkiisa Sissoko. ‘Ma aadin Senegal e wuxuu joogey Rennes oo ay hooyadii deggan tahay.’

Markii uu Isniintii soo laabtay, Dembele wuxuu horay ka bilaabay tababarkii, balse markii la gaarey xiisaddii baas baaska wuxuu dareemay xanuun, markii la baarayna waxaa soo baxday – taasoo ay ahayd inay Sabtigii dhacdo – inuu muruqa jug ka qabo oo uu u baahan yahay 5 todobaad oo nasiino ah.

Dembele ayaa 7 jeer dhaawacmay intii uu joogey Barcelona. Wargayska Marca oo tirakoobay, ayaa wuxuu ogaadey in uu saftay 66 kulan, halkii uu ka dheeli lahaa 120 kulan, isagoo dhaawac ku maqnaa 228 maalmood.

Haddii ay nasiib xumo uun tahay dhibba ma lahaateen, balse waxaa wax badan dhaawacyadiisa laga saarayaa hab-nololeedkiisa iyo hab-raac xumo, isagoon dan ka lahayn inuu is dhowro isla markaana iska cuna waxa loo yaqaanno ”cunto-qashinka”, soo daaha ama muddo dheer waqti u hura ciyaarista ciyaar-gacmeedka (video games).

Xitaa macallinka France ee Didier Deschamps ayaa xitaa ka dayriyay xirfad xumada wiilkaan.

Hadalsame Media