SOMALIA V SUDAN 2-0: Xulka Somalia oo ka badiyay dhiggiisa Sudan + Sawirro

0

(Casmara) 22 Agoosto 2019 – Waxaa magaalada Casmara ee caasimadda Eritrea ka soconaya Tartanka 15-jirrada Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA CUP.

Waxaa wada ciyaaray xulalka da’yarta ama junyarka ah ee Somalia iyo Sudan, kuwaasoo ay 2-0 guushu ku raacday xulka dalkeenna Somalia.

Wiilasheena Hambalyo Guusha Aad Gaarteen Galabta

Ciyaarta oo ku soo dhamatay Garoonka Cicero Stedium Ciyaartaas oo U dhaxeysay Da’yarta Somalia iyo Sudaan Waxeena Ku soo Dhamaatay 2-0 Ee guusha Ku Raacday Da’yarteena Somalia.

2-da gool waxaa kala dhaliyey
Ciyaaryahaanka weerarka uga Ciyaara Dugsiga Adult lcp Atam Cumar Gaabshe
Iyo ciyaaryahankii hore ee Dugsiga Jaabir Bin Hayaan, Mahad yare.

Hadalsame Media