DEG DEG: DF Somalia oo go’aan kasoo saartay “doorashada” Jubbaland (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 22 Agoosto 2019 – Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saartay labadii doorasho ee maanta 22/08/2019 ka dhacay magaallada Kismaayo ee lagu kala doortay labada Madaxweyne ee kala ahaa Axmed Madoobe iyo Cabdirashiid Xiddig, waxaana ay labadaasi doorashaba ku tilmaantay kuwo aysan aqoonsanayn oo waxba kama jiraan ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa sheegtay in ay kaliya ogolaan karaan doorasho wadar-oggol ah, xor iyo xalaalna ah oo lagu kalsoonaan karo, taasoo ay goob joog ka yihiin dowladda Federal-ka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Go’aankan ayaan cusbayn maadaama ay DF Somalia horay usii sheegtay in aysan marna aqbali doonin doorashada maanta dhacday.

Hadalsame Media