Wargays caalami ah oo sheegay inay Somalia mar qura ka bilaabmayso dhismaha laba DEKEDOOD oo cusub

0

(New York) 20 Agoosto 2019 – Wargayska inta badan arrimaha dhaqaalaha aad wax uga qora ee Bloomberg ayaa qoray in dowladda Qadar ay qorshaynayso inay dhisto deked cusub oo laga sameeynayo magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wargayska ayaa sheegay in ay arrintaa Muqdisho u tageen wefdi ballaaran oo ka socda dalka Qadar, kuwaasoo heshiiska dhismaha dekedda la saxiixday dhiggooda Somalia.

Sida uu sheegayo Bloomberg, dhismaha dekedda ayaa dhaqse bilaabmaya, sida ay sheegeen Wasiirka Dekedaha Somalia Maryan Aweis Jama iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Qadar, Jassim Saif Ahmed Al Sulaiti oo shir jaraa’id Muqdisho ku wada qabtay, waloow aysan tafaasiil dheeraad ah bixinin.

Wefdiga Qadariga ah ee shalay Muqdisho tegey ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiir Dibadeedka dalkaasi Md Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani.

Dhanka kale wargayska ayaa sheegay in dhismaha deked kale laga bilaabayo magaalada Eyl ee Puntland, taasoo ay dhisayso hay’ad Chinese ah oo la yiraahdo Civil Engineering Construction Corp..

Hadalsame Media