DHEGEYSO: Kooxda Daacish oo sheegtay inay u weeraradeeda u weecinayso dhanka Itoobiya

0

(Bari) 20 Agoosto 2019 – Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa kaddib markii ay cadaadis kala kulantay halkaasi waxay muuqaal ay soo duubtay ku muujisay inay dooneyso inay beegsato dalka Itoobiya.

Muuqaalkan ayaa lagu sheegay in Daacish ay baahineyso muuqaallo ku tarjuman luuqadda Amxaariga, oo ah mid ka mid ah labada luuqad ee dadka ugu badan ay ku hadlaan, dalka Itoobiya.

Khuburada dhinaca amniga ayaa sheegay in muuqaallada ku tarjuman luuqadda Amxaariga ee Daacish looga dan leeyahay in dagaal-yahanno looga qorto dalka Itoobiya.

Muddo ka badan sannad waxaa Itoobiya ka jiray xasillooni-darro inteeda badan ku salaysnayd dagaallo u dhexeeya qowmiyadaha kala duwan, waxaana khuburada amniga ay sheegeen in Daacish ay dooneyso in ka faa’iideystao arrintan, sida uu warbixintan ku sheegayo weriye Haaruun Macruuf.

Hadalsame Media