DEKEDDA HOBYO: ”Dadka qaba in QADAR il gaar ah loo lahaado, aniguna mid baan leeyahay!”

0

(Hadalsame) 20 Agoosto 2019 – Dadka Soomaaliyeed qaarkood ayaa aaminsan in Qatar il gooni ah loo lahaado maadaama ay wejiyo badan tahay, iyagoo aaminsan in ay ujeeddo fog ka leedahay mashaariicda maalgashiga kala duwan ee ay ka waddo Soomaaliya.

Dadkaasi fikirkooda waan tixgelinayaa, waxaase hubaal ah in Soomaaliya ay u baahan tahay maalgelin, iyada keligeedna ay adag tahay in mashaariicda waaweyn ay fuliso haddii aanay heleyn cid dhaqaale ku taageerta.

Waxaan kale oo aan shaki ku jirin in Qatar iyo dowlad walba ay maslaxaddeeda gaarka ah ka hor marinayso dhammaan danaha kale, Soomaaliyana sidaas oo kale waxaan u cuntamaynin waxay ila tagay inaysan qaadanayn.

Dekadaha iyo Dhulalka ay mashaariicda ka fulinayso Qatar waxay ku yaallaan gudaha Soomaaliya, cid raran kartaana ma jirto, waxaase ay ku soconayaan heshiis la isla ogol yahay oo faa’iido ay ugu jirto dhinacyada wada saxiixday.

Waqti xaadirkan wax noo dhisan ma jiraan iyo dekado si heer sare ah u dhisan oo casri ah oo aan dadkeennana iyo deriskaba ka quudinno, ma lihin jidad waaweyn oo dhowr khad ah oo ay gawaaridu ku socoto kuwaas oo isku xiraya gobollada dalkeenna iyo dowladaha aan deriska nahay.

Waxaas oo dhan waxay u baahan yihiin lacag Cash ah iyo dulqaad, mana jirto cid sadaqo wax kugu siinaysa iyadoo isla markaa danteeda ka boodeysa.

Meel dheer waa in wax laga eegaa, waayo annaguna dalka baan leennahay iyaga mashaariicda iyo maalka ayay leeyihiin, waa in meel dhexe la isugu yimaadaa oo ay annaga faa’iido noogu jirto, dabcan dadka mashaariicdaasi maalgashanayana iyagana ay faa’iido ugu jirto, waxa loo dig iyo dam leeyahayna waa kheyraadka ILAAHAY na siiyay oo loo baahan yahay in inta aan noolnahay ee uusan jarasku nagu yeerin inaan si caqliyeysan uga faaii’iideysanno, dadyowga kalena uga faa’iideyno.

Waxaa Qoray: Yaxye Y. Khasaaro

Hadalsame Media