CAQLI CAWARAN: ”Itoobiya ayaa Somalia ku aabbe ah, mayee Kenya ayaaba adeer u ah!!”

0

(Hadalsame) 20 Agoosto 2019 – KENYA ayaa danteenna wadda maya ee ITOOBIYA ayaa wadda.

Halkaa marka ay gaadho waa barako beel, maadaama koox waliba waxa ay rabto uu xaq yahay, waxa kalana uu baadil yahay.

Labadaa dal midkoodna hawsha uu ku jiro maanta ma aha middii uu SHARCIYAD u haystay, waaba haddii uu sharci jiro e, hawsha ay u kala hayaan labadan kooxoodna fii sabiilillaahi ma aha, mar aan dheerayn ayaana la arki kharaarkeeda, kuwan sababta u ahna ay faryaro bidix ka bixi doonaan.

Labadan kooxood jidka ay hayaan waa mid la soo tijaabiyay, si gaar ahna ay muslimiintu ugu soo jabeen.

Kenya wixii ay horay u haysatay inta uu ku fillaan waayay ayay inagu haysataa intii kale, waxa ayna dheheen cidda ugu fiican ee inoo xaqiijin karta arrinkaana waa Axmed-madoobe, sidaa darteed ayay hiil iyo hoo la garab taagan yihiin, isaga iyo inta raacsanna shaqadaa in ay qabtaan ayaa ka go’an.

Itoobiya iyaduna wixii hore ee ay inaga haysatay inta uu ku fillaan waayay ayay hadda ciidan bad samaysanaysaa, iyada oo aan qarsanaynin meesha lagayn doono.

Labadan kooxood khaladkaa ay ku jiraan ayay taageero inooga rabaan.

LABADAN DAL IYO LABADAN KOOXOOD MIDNA DANTEENNA MA WADO EE IIMAANKA ILAAHAY HA GELIYO.

Waxaa Qoray: Dr Maxamed Xasan Nuur

Hadalsame Media

Facebook Comments