KISMAAYO & KISTAADA: Qori caaradii ah ayaa lagu maamuli jiray sanado hore, haddana Kenya harkeed (KDF)!

0

(Hadalsame) 20 Agoosto 2019 – Waxaan ku dhashay degmada Jilib, magaalada uga weyn ee gobalka Jubbada Dhexe oo magala madaxda gobalkaas(Bu’ale) ku jirta, waxa ayna Kismayo u jirta 120 Km, Waalid, ehel iyo asxaab ayaa ii degan magaalada Kismayo, waxana ku geeriyootay ayeyday aabahay dhashay sannadkii 2002-da kuna aasan, waxa ay ku geeriyootay da’da 110 sano. sida aan u jeclahay in Soomaaliya u noqoto meel nabbad ah oo cadaalad & is-faham bulsho loogu wada noolooda ayaan u jeclahay in Kismayo loogu noolado.

Balse qormadaan ayaan doonaya in aan ku muujiyo hardankii kooxaha xukunkeeda doonaya oo ay u soo mareen iyo hardanka hadda taagan iyo wel-welka aan ka qabo oo aan wax ka dhaho, waayo magaaladan gobalada ay tirsanayso magac ahaan waa Gedo, Jubbada hoose & J/ Dhexe, balse ujeedka hardankeeda ma ahan in magaalooyinka kale ee gobaladan in la gaaro, adeeg dad-weyne la gaarsiiyo midna ma ahan, waa mid iyada ku kooban, kuwa madax in ay ka noqdaan rabana maamulkeeda kaliya ayaa madax martay, dariiq kasta ha u mareene, waxana dheer dawladaha deriska siiba Kenya ayaa faraha kula jirta, bal aan dib aan u milicsano taariikhdeeda.

Kismayo & Kista: Kista micnaheeda waa isku tashi, nolol, karti iyo wax-qabsi intaba ku dhisan oo aan dadka baryin, waana dhaqan fiican, balse dhaqanka ah, yaa xoog leh, dad layn kara, Kenyan wata waa iga dambeeyey, kumana aqoon.

Bur-burkii dawladdii dhexe kadib hal mar oo ah 1994-tii ayaa shir dib u heshiisiin oo beelo 19 ah loogu qabtay, kaas oo gar-wadeen ka ahayd hawl-galkii Qaramada midoobay ee xilligaa.

Wixii ka dambeeyey taariikhdaas, laga soo bilaabo 1995-tii ilaa maanta hogaamiye kooxeed, koox, urur diimeed, isbahaysi, Shabaab, iyo hogaamiye taabacsan KDF uun baa xoogooda ku tijaabsaday, marka ay soo marta Kismayo.

Waxaa kamida dadka dagaalada qaraar magaaladaas ku qabsaday, kuna maamulay awaadaas qoriga caaradiisa ah:-

1. Col. Axmed Cumar Jees = 1995…….s
2. Gen. Maxamed Saciid Xirse ‘Moorgan’ 1995-2001
kuma nasan, dagaal u joog, qabso, ka qabso ayuu ku jiray
3. Col. Barre Aadan Shire ‘Hiiraale’ & isbahaysigiisa D. Jubba
1998-9 ilaa 2006
4. Prof. Maxamed Cabdi ‘Gaandi “isku-day fashilmay,
Maamulkii Azania” magaca ayaa qaribay odaygan.
2001(Xadka kenya kama soo gudbin)
4. Maxkamdihii, Plus Madobe & Shabaab = 2012
5. Axmed Maxamed Islam ‘Madobe’ 2012- ilaa hadda

Morgan dagaalo badan ayuu sanado badan ku qabsaday magaalada, waana looga qabsanayay, waaya-aragnimadiisa magaaladaas kaliya waxa naf iyo maal uu ku bixiyey in wax laga weydiiyo waan qabaa. Ninka labaad ee cajiibka ah, magaaladaas aad uga faa’iday, aadna uga khasaaray ilaa haddana nin garba dooban aan dhaamin waan Barre Hiiraale.

Hiiraale, waxa uu ku faa’iday Kismaayo, xilligii madaxda uu ka ahaa ee Isbahaysiga Dooxada Jubba, oo ku dhawaad 8 sano ahayd, wuxuu khasaara gelay markii ay Shabaab iyo Maxkamdihii kala wareegeen 2006-dii , kolkaas oo xaalad xun oo dagaal ku qabsatay duleedka Bu’aale. Aad buu u jeclaa magaalada Kismaayo xakunkeeda oo waxa uu uga tagay Xilka wasiirka Gaashaan-dhiga(2004-2009) oo xafiiskeeda fariisanba, mar uu marayey Diinsoor oo doonayey in dib uga qabsado Shabaab Kismayo, Wuxuu warbaahinta u sheegay in Yuhuud xitaa ay banaan tahay in loo adeegsado cadawga ka qabsaday magaalada.

Ninka kale ee wakhtiga badan maamulay Kismaayo waa Axmed Maxamed Islam ‘Madobe’, marna waxa uu maamulay xiliga maxkamadaha oo Xisbul Islam ahaa ilaa garabkaas laga itaal roonaaday, magaaladaasna laga saaray Maxkamadihii iyo Shabaabka isku milnaa.

Marka xigtana isaga oo Ciidan xoogan oo Kenya ka socda ayey Jubbada hoose soo jiireen Oktoobar 15, 2001 uga dambeyna bartamihii 2012 ayey Shabaab ka qabsadeen Kismaayo, ciidankaas Kenya oo Axmed wehlinaya. Kenya cudur-daar in ay ka hortagayso afduubyo ka dhacay dalkeeda ayey ku micnaysay xad-gudubkeeda, markii dambe waxa ay qal-qaalsatay in ay ka mid noqoto AMISOM( Magac danaha gaar lagu fushan karo).

Sannadkii xigay 2013-kii bishii May ayaa la dhisay maamulka Jubbaland oo ujeedkiisu lagu sheegay in uu kamid noqonayo maamulada heer federal ee dawladda Soomaaliya dhismaheeda ku jirtay, laakiin Madobe ayaa qoystay oo xiirtay, sida uu doona ayuu ka yeelay, maadaama uu haystay Kenyaan iyagana danahooda u fulinaya(Win-win situation) waxa uga darnayd markii la yiri, maamulka gobalkaas waxa qayb-saday reer rurac iyo reer qansax, waxa soo haro waa xaabo.

Lama xalaalayn xukunka sida xun ku yimi oo la iskuma dayin, bal waxaa dheerayd in duqaynmo dad lagu xasuusaqay, laguna dilay xoolo ay ka dhacday gobalada J/dhexe iyo Gedo. Meelaha xasuuqaas uu ka dhacay waxa kamid ahayd degmadayda Jilib oo gudoomiyayeedii, iyo carruurtiisa ay ku jirtay maatadii lagu xasuuqay.

Waxa ay ahaataba, waxaan ogahay in aadanaha uu qalad galayo, balse la sixi karo, wixii danbi dhaaf dhiig- la galo, waa xisaab Alle taas, laakiin wax fiican kama dhicin gobalkaas. 4-tii sano la soo dhaafay sida caadada ahayd Kismaayo lagama gudbin, ujeedkuna taa maba ahayn.

Hadda waxa ay mareysaa in dawladaha deriska sida Kenya, Ethiopia ay hardan uga jiraan nooca uu noqona maamulka xiga iyo mas’uulka madax ka noqonaya. Wel-welkayga ma ahan in Soomaali ay wax kala badso awood qaybsi-ahaan ama beelo la xaqiro ee shisheeyaha oo Kenya uga horeyso ayaa ah cabsidayda oo aan isku hayno Bad, aagana ah aaga-ku been sheeganayso.

Kenya deris fiican ma ahan, gobalka W. Bari Kenya waa gobalka uga liita gobalada kale ee dalkaas dhinac walba, waxa ay u haysataan in dhulkaas(Gobalkaas) ayba gumaysato, maba garawsano in Gumeystihii ingiriiska xagga naga raaciyey sida kan Itoobiya naga jira, balse Itoobiya Somalia waa qowmiyada 3-aad ee igu badan dalkaas oo 100 milyan ah, aad buu uga fiican yahay kan W.bari Kenya, wuxuna kamid yahay 9 dawlad heer gobal ah iyo matalaad heer federal, balse Kenya maya.

Tan kale Qabiilka doonaya in uu xaqiro, qabiil kale ama taariikhda si xun u dhigo, xitaa ajnabiga ayaa aad u yaqaano dhulkeena(Somaliya). Maraykanka, Ingiriiska, iyo Talyaaniga oo qaarkood xero ciidan ku leh Kismaayo geed-geed ayey u garanayaan sida Soomalida u taalo meel walba, waxana jira wadooyin oo qaarkood aan ku lugeyey yaraantayda oo la yiraahdo ‘Wadada American-ka’ oo gobaladaas ku yaala. laami ma saarna.

Tusaale, marka laga soo tago dad xuquuqdooda la duudsaday oo aad u badan beela kala duwan leh, aniga ehel, iyo qaraabada aan ka dhashay waxa ay degan yihiin Baardheere, Gedo ah, Saakow iyo Jilib oo J/dhexe ah iyo Kismayo, mana qabo in xilligan ay hashaasi boolida ah qayb-tooda u tagaan Kismaayo daruufaha amni iyo xaaladaha adag ee nololeed ee ay ku jiraan awgeed, taa bedelkeedana beerahooda ama xoolahooda raacdaan haddiiba aan loo socon in bulshada gobaladaas loo qidmeeyo, sida waxbarashada, caafimaadka iyo waddooyin ay maraan loo dhisayn, qaar aan aqoon fiican ii lahayn baa ila aadi kara gobal kale, qarniyo ayaa reerka halkan ku nool yihiin. Marka ka waran kuwa xoog wax ku raadinaya, waxaa intaa ii dheer in beero, guryo ku leeyahay, xoolo la iiga dhacay taas oo muhiim ka dhigaysa in bulshooyinka la isu keeno, laga shaqeeya in boogahooda dhayaan, hadda waxa kala haya Shabaab, dhaca, kufsiga iyo fal-dambiyeedyo badan baa cabsi laga qaba Shabaab aan uga dhicin si gaar gobalka ay sida buuxda u haystaan ee Jubbadda dhexe.

Si gaar ah waxbarasho kama jirto labada Jubba, Kismaayo oo Jubbada hoose ah kaliya ayaa waxbarasho ka jirta, Gedo dhawr degmo ayaa waxbarasho ka jirta, Jubbada dhexe ha sheegin, hal dugsi kama jira wakhtigan.

Shisheeya badan oo mareykan uga weyn baa jooga Kismaayo, laakiin Kenya ayaa iigu daran, una daran Soomaali oo dhan, magaaladaas bilaa awood shisheeya ahna waa nin iyo gelin kiisa(Kismaayo iyo Kista)

Jilic baa lagu yiri, ‘Waa ur badan tahay, wuxu ku jawaabay in dadka qaar qabiil ahaan ama si kale xidid dhaw u sii noqdo ay ka ur badan yihiin. Ujeedkayga waxa uu yahay in wannaaga Alle tusa kuwa waxa qarmuunka ku dhex-jira ama ku fekerayo ee dadkeena dal kale siisanaya, sawir kale oo xuna isa siin!

Waxaa Qoray: Maxamed Cismaan (Black Cobra)

FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media