Qisada TUUGADII magaalada Cape Town + Sawirro (Sheeko dhab ah)

0

(Cape Town) 19 Agoosto 2019 – Rashed Staggie (Rashiid Istaaqi) wuxuu ku dhashay Moorivier oo ah fooraha Cape town sannadku markuu ahaa 1956. Halkaas waxaa ku noolaa malaayiin iskugu jiray dadkii midabka ama kalarka ahaa iyo madoow xoog looga soo raray faras magaalihii Cape.

Qoyska Rashed staggie waxay u guureen Mannenber oo ah halkii ay isaga iyo walaalkiisa ay mataanaha yihiin ee Rashaad Staggie ay ka aas aaseen urur burcadeedkii awoodda lahaa ee Hard Living.

Faqriga iyo maqnaanshiyaha adeegyadii lama huraanka u ahaa nolosha ayaa mataanahaan gayaysiisay in ay ku soo baxaan burcad aanan waxba ka jixinjixin.

Rashaad iyo Rashiid carruurnimadoodiiba waxay ku anbadeen dunida dhaca, daroogada iyo dilalka. Waxay sameeyeen lacago aad u badan ayagoo u xuubsiibtay tuugo caalami ah oo gacansaar la leh burcaddii siishilis oo ay dheymanka ugu dhoofin jireen sifo sharci darro ah.

Waxay sidoo kale Yurubta u diri jireen Cannabis ama Xashiishka marijuwaanaha. 1990 labadaan walaalo waxay noqdeen hoggaamiyeyaal soomajeestayaal ah, ururkoodii Hard Living wuxuu xubno ku yeeshay dhammaanba deegaannada ku teedsan gacanka Cape.

Xaafad walba waxaa laga heli karay hub sharci darro ah oo ururkooda laga soo iibiyay taas oo magaaladii Cape town ka dhigtay fagaaraha dambiyada iyo dilalka.

Intii uu Rasheed hoggaaminayay ururka waxa ay dagaal maalin cad ah la galeen kooxihii kale ee burcadda ahaa sida kuwa la baxay Americans iyo Mongrols, waxaana waddooyinka qulqulay dhiig fara badan.

Waa maxay PAGAD?

PAGAD, waxaa laga soo gaabiyay people against gangs and drugs oo lamacno ah dadkii ka soo horjeeday burcadda iyo daroogada.

Waxay ahaayeen dad u badn bulshadii muslimiinta ee ku noolaa Cape town oo inta iskood isu abaabulay gacanta ula tagay tuugadii awoodda lahayd. Pagad waxay soo qabteen mid ka mid ah mataanihii tuugada hoggaaminayay waa Rashaad staggie ayagoo nolosha ku gubay weliba meel fagaare ah kaddibna ka duubay muuqaal isaga oo holcaya.

Pagad waxay noqdeen awoodda labaad ee loogu cabsida badanyahay, waxa ayna dileen dhowr kale oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ururadii burcadda ahaa.

Sannadkii 1997-kii waxaa bam lagu weeraray milkiilaha dukaan buugaagta iibiya oo ahaa nin yuhuudi ah. Sannad kaddib waxaa bam kale lagu tuuray hooyga Ibraahim Moosa oo bare ka ahaa jaamacadda Cape town (UCT) kaas oo ahaa nin aad uga soo horjeeday Pagad.
Mar kale sannadkii 2002 ayaa bam kale lagu tuuray xaruntii dabagalka dambiyada ee Western Cape.
Booliiska oo ka shidaal qaadanaya dhacdooyinkaas waxa ay xabsiga dhigeen hoggaamiyihii Pagad cabdisalaan ibraahim oo lagu xukumay toddobo sano oo xabsi ah.

Hadda halkee lagu kala dambeeyaa?

Pagad maanta waxay saameyn aan buurneyn ku leedahay Golaha Muslimiinta ee Cape town.

Rashis Staggie waxaa loo xiray fal afduub iyo kufsi ahaa oo dhacay 2001. Sannadkii 2015 mar xabsiga laga soo daayay wuxuu khudbad ka jeediyay kaniisad ku taalla Parrow oo uu ka sheegay in uu u baahanyahay in la iska cafiyo oo uu maanta kaddibna booliska kala shaqayn doono ciribtirka tuugada.

“Waxaan waayay walaalkay, waxaa la dilay wiilkaygii, 42 sano oo aan shaqooyin xun xun soo qabtay waxaan maanta codsanayaa in la i cafiyo” ayuu masraxa ka yiri isagoo garab taagan saaxiibkiisii muddada dheer ee Ivan Waldeck.

Ururkii Hard Living waxaa ka farcamay malaayiin tuugo ah iyo boqolaal urur oo burcadnimada ku howlgala. Cape town-na maanta waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu khatarta iyo tuugada badan in lagu noolaado.

Waxaa isku duwey: Aqwaan Xasan Jidhi

Hadalsame Media