”Dhanka muranka badda, danta Kenya waxay ku jirtaa Axmed Madoobe!” – Standardmedia oo maqaal dheer qoray!

0

(Nairobi) 18 Agoosto 2019 – Sida uu qoray warqaadka Kenyan-ka ah ee Standardmedia, waxaa berri dhacaysa doorashada madaxtinnimo ee Gobolka Jubbaland ee Somalia, jeer ay Kenya xoojinayso taageerada ay siinayso Ahmed Islam Mohammed Madobe, oo halkaa xukumayay 8 sanadood.

Wargaysku wuxuu sheegay in Wasaarad Dibadeedka Kenya ay daaha gadaashiisa ka hagayso qorshayaal diblomaasiyadeed oo ay ku doonayso inuu xilka sii hayo, halka Somalia oo taageeranaysa Ethiopia, Eritrea oo ay kula jirto ”isbahaysiga Kushitigga” ay doonayaan in meesha laga saaro, taasoo cadaawad ka dhex abuurtay Nairobi iyo Muqdisho, (meeshan Kenya waxay isu sawiraysaa sidii inay iyadu ka taliso Jubbaland).

Marka la eego ”Muranka badda ee aannu kula jirno Somalia” oo mar dhow la go’aaminyo, wax badan baa doorashadan ku xiran, ma jirto aragti siyaasadeed oo nagala dhexeeysa Madoobe, balse marka la eego daneheenna waa qofka amaan noo damaanad qaadi kara.” ayuu leeyahay wargaysku.

“Waa inay Kenya awooddeeda adeegsataa si ay daneheeda u gaarto, wax kasta oo doorashadan ka soo baxa,” ayuu yiri Hassan Khannenje oo ka tirsan The Horn Institute.

Dr Khannenje ayaa sheegay in tan iyo doorashadii MW Mohammed Abdullahi Farmaajo iyo xukuumaddiisu 2017, ay keeneen qorshe cusub oo ku dhisan Dowlad Dhexe oo adag oo Muqdisho saldhigata, taasoo uu ku taageersan yihiin Maraykanka, Turkiga, Qadar iyo ilaa xad Midowga Yurub.

Yeelkeede, qof kasta oo ku jira siyaasadda Kenya taageere uma aha Md Madoobe. Xildhibaankii hore ee Lagdera, Maalim Farah ayaa Kenya uga digey inay farageliso doorashada Jubaland isagoo sheegay inay taasi sababi doonto dhibaato hor leh oo ka dhex bilaabata Kenya iyo Somalia.

“Haddii aan hal qabiil la safanno, waxaan dhib kala kulmi karnaa qabaa’illada kale. Tan ugu muhiimsan siyaasadda dibeddu waa rogaalka. Waa sahlan tahay in laga adkaado dal ku kala hadla 45 luuqadood, marka loo eego umad isku nooc ah sida Somalia,” ayuu yiri Farah.

Wuxuu Dowladda Kenya ku boorriyay inay la macaamisho DF Somalia oo ay iska dayso maamul-goboleedyada, waayo waloow ay Soomaalidu is dirirtay, misna si sahlan ayay ku heshiinayaan hadda, sida uu qabo, wuxuu sidoo kale aad u dhaliilay maamulka Axmed Madoobe oo uu sheegay inuusan dhisin hal fasal ama hal xarun caafimaad.

“Halkaas ayay tegeen kaddibna Al-Shabaab ayay heshiis la galeen oo ay la qaybsadeen dakhliga dekedda iyo dhuxusha, taasoo keentay in la baabi’iyo kaymo roobaadkii gobolka,” ayuu raaciyay Farah.

“Ma eedeeynayo maxaa yeelay wax aqoon ah malaha, weligii iskuul ma aadin, darajada Sheekh xitaa waa iska dheh,” ayuu yiri Farah.

“Xiriirkeenna Somalia waa mid joogto ah, waayo weligood waxay ahaanayaan deriskeenna, iyaga (Somalia) ayaa la xiriirnaaye gobol lama xiriirin,” ayuu yiri Faarax oo ahaa Guddoomiye Xigeenkii hore ee Baarlamanka Kenya.

Patrick Maluki oo wax ka dhigay Jaamacadda University of Nairobi ayaa caqliga ka shaqaysiinaya, isagoo Kenya ku boorriyay in ay isu miisaanto wixii fiican anshax ahaan iyo wixii dan qaran ah.

“Haddii aan fariisanno oo aynaan waxba samayn, caqabad ayaa na hor taalla, balse sidoo kale ma aha in naloo arko dal soo duuley, waayo Somalia waa dal xor ah,” ayuu ku dooday Dr Maluki.

Dr Maluki ayaa ku doodaya in Kenya ay qaadi karto tillaabooyin aysan dad kale jeclaanin, haddii ay taasi tahay sida qura ee ay ku heli karto saamayn heer gobol ah, waayo waxaa daaqadda kala sii baxaysa Itoobiya dhanka saamaynta gobolka.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media