Wiil 2 sano shukaansanayay haweenay ayeeyadiis ka wayn!! + Sawirro (Sidee ku dhacday?!)

0

(Seoul) 19 Agoosto 2019 – Waxa loo yaqaanno xiriirrada masaafada fog, waa qayb ka mid ah ifafaalayaasha casriga ah ee dunida maanta, waxaana ugu wacan qofka oo heli kara hab uu kula xiriiro qofkaa ka fog, balse sheekadani ma aha mid aad weli maqashay.

Waxay qabsatay wiil South Korean ah oo la yiraahdo Yuusuf, kaasoo xiriir dhanka khadka ah la yeeshay haweenay, wuxuuna xiriirkoodii noqday mid dhalay kalsooni ku aaddan inay guurba ku heshiiyaan.

Yeelkeede, maalintii guurka ayuu caruuskii guddoonsadey inuu wax kastaba baabi’iyo oo guurka joojiyo, kaddib markii ay u caddaatay runta qaraar.

Yuusuf, oo ah dhibbanaha arrintani ku dhacday ayay naagtii uu shukaansanayay waxay noqotay mid ayeeyadii la’eg tiiyoo ay ugu sheekayn jirtey inay tahay gabar yar oo cambaruud ah.

Yuusuf wuxuu ku sugnaa South Korea halka ‘ay saaxiibtii’ ku noolayd Taiwan waana sababta ay u kulmi kari waayeen, ha yeeshee xiriirkoodu wuxuu ahaa mid xariir ah oo si deggan u socday muddo 2 sanadood ah.

Haweenaydan ayaa Yuusuf kula xiriiri jirtey maqalka, iyadoo diidi jirtey in muuqaal ahaan loo arko, waxay kaloo u diri jirtey sawirrada gabar yar, mararka qaarna waxay adeegsan jirtey naashnaashka Facebook. Mararka qaar ee uu Yuusuf ku dirqiyo inay qabato wicitaanka muuqaalka, waxay isku dabooli jirtey go’ wayn iyadoo sheegaysa inaysan ogolayn inuu caadi u arko.

Wiilkan ayaa haweenaydan xitaa u diray lacago kala duwan oo gaaraya $700 oo doollar, si ay ugu soo safarto, ha yeeshee, markii uu indhaha ka qaaday waxaa usoo baxday sheeko ka duwan middii shukaansiga ku jirtey.

Waxaana halkaa ku dhamaaday xiriirkan oo ay walwaalayeen muddo 2 sanadood ah, iyadoo ay cadaatay tiraabtii ahayd ”xiriirkii been ku bilowda run buu ku dumaa.”

Hadalsame Media