Liverpool oo noqotay kooxda ugu guusha badan Ingiriiska (Arag kala sarraynta)

0

(London) 17 Agoosto 2019 – Camaaliqada reer Ingiriis ee Liverpool ayaa Arbacadii hanatay koobkeedii koowaad ee fasal-ciyaareedkan 2019-20.

Kooxda Reds ayaa rigoorayaal ku qaadday Koobka UEFA Super Cup, kaddib markii ay Chelsea ku kala bexeen 2-2.

Yeelkeede, waloow aysan Reds haysanin koobab badan oo noocan ah oo ay ku faanto, misna meel wayn ayuu kaga soo baxay, wuxuuna ka sara mariyay kooxda ay ku coltamaan Woqooyi Galbeed ee Manchester United.

Liverpool iminka waa kooxda ugu guul badan Ingiriis oo idil, iyadoo isu gayn ahaan qaadday 43 koob marka loo eego Utd oo ku xigta oo haysata 42.

Hadalsame Media