Gobol Hindiya ku yaalla oo ay ka jiraan dowlado iska horjeeda, canshuuro baad ahna dadka laga qaado!! (Calamada Somalia-Itoobiya?!!)

0

(Kohima) 17 Agoosto 2019 – Waxaa jira gobol la yiraahdo Nagaland oo ku yaalla Woqooyi Bari Hindiya, kaasoo xuduud la leh dalal badan, maadaama uu khariidad ahaan uu meel yar uga yaallo dalka uu ka tirsan yahay ee Hindiya.

Gobolkan oo caasimaddiisa la yiraahdo Kohima, wuxuu leeyahay astaamo u gaar ah oo uu kaga duwan yahay Hindiya inteeda kale, sida inuu u egyahay sida cad ka lusha marka maabka la eego.

Waxaa ka mid ah inuu dad ahaan ka duwan yahay Hindiya, waayo dadka deggani inta badan waa Indha-yar, waxaa dheer inay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo gooni u goosad doon ah oo leh dowlado afka ah (under ground governments).

Dowladahaa iyo kooxahaa kala geddisani waxay dadka khasab kaga qaadaan canshuuro kala nooc ah, kuwaasoo ay dadku iminka bilaabeen inay diidaan.

Kaaga darane dowladahan is diiddan waxay canshuur qaadistooda u arkaan mid sharci ah, iyagoo dhaliila midda la siiyo dowlad-goboleedka rasmiga ah ee gobolkaa ka talisa.

“In canshuur la siiyo NSCN waa mid muujinaysa in la taageerayo awood xoog nagu haysata (India),” ayuu yiri nin Wasiirka Warfaafinta ugu qaybsan mid ka mid ah dowladaha gobolkaa laga sheegto ee People’s Republic of Nagalim (NSCN-IM).

Waxaa intaa dheer, in gobolka Nagaland uu leeyahay calan ka sameeysan midabbo u eg Somalia & Itoobiya oo la isku daray.

Waxaa iminka gobolkaa ka taagan dood ku saabsan in ay DF Hindiya gobolkaa u ogolaatay inuu yeesho Baasaboor u gaar ah, taasoo markii muddo la isla dhexmaray ay misna dafirtay Dowladda Hindiya.

Gobolkan ayaa waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo hubaysan, sidaa darteed, wax badan ayuu la wadaagaa wadciyo badan oo Somalia ka jira.

 

Hadalsame Media