Maxay xisbiyada aynu reer Galbeedka kaga dayanay, ugu xuub siibtaan is xigtaysi reereed?!!

0

(Hadalsame) 17 Agoosto 2019 – DIMOQRAADDIYADA – Dimuqraadiyaddu waa mid ka mid ah ereybixinaha siyaasadda dunida ku jira ee la qalad fahmay, cuyubka loo fasirtay, sida qalloocanna loo adeegaaday. Jeer kale, ereyadani ma aha kuwo aan ugu tallagalay In aan si faahfaahsan u lafo guro culuumta siyaasadda, sidaa darteed ma rabo in aan ku sii talax tago sharaxaadooda.

Laakiin, marka laga hadlayo xaaladaha inagu geddaaman, waa laga ma maarmaan in la iftiinsho qodobbo dhawr ah.

Nuxur ahaan dimuqraadiyaddu waa in xukunka siyaasiga ahi ku qotomo doonista dadweynaha. Waxaanay ku iman kartaa dhowr qaab oo kala duwan, oo midba midka kale ka fiican yahay. Habab kala jaad jaad ah ayaana laga tajriibeeyay dhulal badan sooyaalkii taariikheed ee aadanaha.

Inagu haddii aynu muslimiin nahay waynu garanaynaa dimoqraadiyadda, waana lagu dhaqmay waagii islaamku bilawga ahaa, mabaaddideeda aasaasiga ahina wax ay ku yaallaan Quraanka. Inta mad-madawgu arrintan kaga jiraanna fadlan ha akhriyeen Suuradda ‘Aalu-Cimraan.’

Si kastaba ha ahaatee, ma aaminsani haddeed habka dimoqraadiyadeed ee aynu ku dhaqano, ee hannaanka xisbiyada badan ee ‘hal qof iyo hal cod’ inu xun yahay. Waa hab uun ka mid ah hababka dimuqraadiyaddeed ee aadanuhu ku soo dhaqmeen, soona tijaabiyeen. Waanay fiicantahay in aynu sii joogtayno saxaltirkeeda.

Markaan sidan leeyahay, ma rumaysni in nidaamka xisbiyada badanni uu yahay midkii daawayn lahaa dhammaan tabashooyinkeenna, ee waa in hannaanka xisbiyadda badan lagu kabaa hiddaheenna iyo dhaqankeenna diineed.

Haddii kale xisbiyadu waxay noqon doonaan lafo bilaa dhuux ah. Waxa kale oo ay noqon doonaan hay’ado dihda jaad cusub oo kali-taliyayaal ah, oo sandulleeya xisbiyadooda iyaga oo ka maanacaaya xubnahooda iyo codeeyayaaashoodaba in ay yeeshaan ikhtiyaar dhaba.

Waxa jira hab fudud oo loo ga hor tegi karo alhuumadaas. Dimoqraadiyadeennu ka noqoto mid laga wada qayb qaato, halkii ay noqon lahayd mid xidhxidhan. Dhabbaha ujeedaddaas loo mari karaanna waa laba hab uun:

i – Waa in xisbiyadda laftooda la dimoqraadiyadeeyaa. Waana in ay jiraan xubno la diiwaan gelliyay oo ilaa heerka ugu hooseeya ah, oo bixiya qaadhaanka Xisbigga. Xubnahaasi waa in ay awood u leeyihiin in ay dooran karaan guddiyadooda iyo wakiilladooda heer walba illaa iyo halka ugu sarraysa ee hogaamineed. Macnuhu waa in Xisbigu leeyahay barnaamij dhaba oo la wada leeyahay, iyo hoggaan kalsooni lagu qabo, oo aan ku iman eex.

Haddii aan sidaas la yeellin, xisbiyaddan siyaasadda ee aynu reer Galbeedka kaga dayanay, waxay ay u xuub siiban doonnaan is xigtaysi reereed dhaxal mushkiladeed leh.

ii – Habka labaadna waa maamulka oo la daadejiyo. Tani waa in aanay noqon eray qoran uun, ee waa in sharcigu jideeyaa, dhaqangelintiisana laga soo unko tuullooyinka, degmooyinka iyo gobolladda.

Waax kastaana waa in aanay awood uun u lahayn inay soo doorto hoggaankeeda ee waa inay mashaariicdeeda horumarineed iyo maaraynteedaba fulin karto. Shaqada Dawladda dhexe looga tegayaana waa uun isku-xidhka, qorshaynta iyo ilaalinta amniga qaranka.

W. Q:  Ibraahin Meygaag Samatar
W.T: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media

 

Facebook Comments