”Ilaahay ku qabay!” – Ayeeyada Rashida Tlaib oo habaar ku hoobisey Trump + Sawirro

0

(Daanta Galbeed) 17 Agoosto 2019 – Ayeeyada Rashida Tlaib ayaa furka ku xoortay Donald Trump kaddib markii uu Israel ku cadaadiyay in gabadheeda loo diido inay soo booqato Israel iyo dhulalka reer Falastiin.

Ayeeyada oo hoos fadhida geed Saytuun ah oo ku yaalla gurigeeda Daanta Galbeed oo ka mid ah dhulalka ay xoogga ku haysato Israel, waxay Muftia Tlaib u muuqatey mid aad ugu ciil cunsan MW Maraykanka, oo aad hoos ugu dhigay nuxurkii siyaasadda Maraykanka.

‘Ilaahay ku qabey,’ ayay ku habaartay ayeeyo Muftia.

Trump ayaa la sheegay inuu yahay ninka RW Israel ee Benjamin Netanyahu ku cadaadiyay in uu dal ku galka uga dhaarto Tlaib iyo Ilhan Omar.

Israel ayaa Khamiistii kaddib sheegtay inay ”sababo aadminnimo u ogolaatay” inay Israel soo gasho Tlaib si ay qoyskeeda u booqato, balse iyada ayaa diiddey, iyadoo sheegtay in Yuhuuddu ay xannibaadda u saartay si ay u bahdisho.

Ayeeya Muftia Tlaib oo 90-jir ah kuna nool xaafadda Beit Ur Al-Fauqa, ayaan la dhicin dhaqanka Maraykanka. ”Trump wuxuu ii sheegayaa inaan ku faraxsanaado inaysan Rashida imanaynin. Ilaahay ku qabay”. ayay tiri.

Hadalsame Media