DAAWO: Donald Trump ma xaaskiisa ayuu MUSAAFURIN rabaa?!! – Arag caddaymahan

0

(New York, NY) 17 Agoosto 2019 – Melania Trump, waa xaaska MW Maraykanka, waana qofka qura ee taageero iyo shacbiyad macquul ah ka haysata jamaahiirta Maraykanka.

Ha yeeshee, barmaajika maadda ah ee Daily Show qaybta uu daadihiyo Trevor Noah, ayaa keentay sheeko qosol badan, balse xog maangal ah lagu dhisay, taasoo ku saabsan in Trump uu doonayo inuu musaafuriyo xaaskiisa oo aysan sidaa isugu fiicnayn, asal ahaanna kasoo jeedda Slovenia.

Waa yaab sax? Aahay, balse u fiirso. Trump oo aad u adeegsada siyaasad soo galooti diid ah, qodobbada uu badanaa soo hadal qaado waa dad uu sheego inay Maraykanka kusoo galaan si khaldan kaddibna ka shaqaystaan.

Dadka ay khusaynayso waxaa ka mid ah xaaskiisa Melania oo la sheegay inay dalka Maraykanka asal ahaan kusoo gashay fiise dalxiis, balse ay ka shaqaysan jirtey, taasoo khalad ah, marka la eego fiisaha ay haysatey noociisa, sida ay sheegayso AP, iyadoo aanu abid dhicin shir jaraa’id oo loo ballamay inay arrintan ka qabato.

War kale oo lagu daabacay Washington Post, wuxuu sheegayaa war kale oo ah in Melania ay Maraykanka kusoo gashay waxa loo yaqaanno ”Einstein visa” oo badiyaa la siiyo dadka aqoonyahanka ah iyo qaar yar oo ciyaartooyda ama jilayaasha oscar-ka ku guulaysta ah, tiiyoo ay jirto in Melania aanay midkoodna ahayn.

Qodob kale oo uu ku bas beelay afka Trump waa jiritaanka ”soo gelitaanka silsiladda ah”, kaasoo ah inuu qofku soo geliyo qoyskiisa iyo qaraabadiisa, waana arrin ay samaysay isla xaaskiisa Melania oo xubno badan oo qoyskeeda ah oo ay aabeheed iyo hooyadeed ka mid yihiin sidaa kusoo gelisey.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media