JUBBALAND: Wasaaradda A. Gudaha oo markale ka digtay doorasho ”Xeerka baal marsan!” (War Saxaafadeed)

0

(Muqdisho) 17 Agoosto 2019 – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u Heshiisiinta waxa ay warsaxaafadeed ka soo saartay Arrimaha Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Jubaland.

Wasaaradda DF ayaa ka digtay in sida ay tiri la dhinac maro Dastuurka Federaalka ah ee dalka u degsan, iyadoo markale ku celisey inaysan aqoonsan doonin doorasho kasta oo aan xeerka dhexe waafaqsanayn.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hab-raac sharciga baalmarsan loo maray qaabka loo xulay odayaasha iyo xildhibaannada wax dooranaya, wixii ay iyagu doortaanna ay yihiin ”waxba kama jiraan!”.

Hoos ka eeg War Saxaafadeedka Wasaaradda!

Hadalsame Media