Soomaalidu waxay lahayd dhaqan soo jireen ah oo dib u heshiisiineed

0

(Hadalsame) 14 Agoosto 2019 – Somaalidu waxay lahayd dhaqan iyo xeer 1000 sano ka hor, tasoo lagu xalin jiray qilaafka keeni kara dagaal iyo nabad la’aan (Conflict Resolution).

Waxay Soomaalida hido u leedahay inay xaliyaan mushkiladaha ayaga u gaarka ah, aygoo u mari jiray dib u heshiisiin (Reconciliation) dhaqanka iyo xeerka u degsanaa umadda Soomaaliyeed.

Taariikh dhab ah (A historical fact)

Sida ka muuqata sawirkaan 1885-kii Boqortooyadii ka talin jirtay inta badan Koonfurta Soomaaliya (Geledi Sultanate), haduu ka dhex maro qabiilladda Soomaaliyeed waa uu sultaanka iyo gudigiisa Barlamaan ee loo yaqaayay Gogosha (UL GADUUD) ay tagi jireen degaanka markaas uu ka jiro dhibka si loo soo af jaro mushkiladaas geeni karta dagaal, ama haduu dhaco dagaal si xal loogu helo arinahaas.

Waxaa leeysku yeeri jiray laba qabiil ee eedahaha kala tirsanaayo, waxayna kuwa hadli jireen si nabad ah, ka dib waxaa meeshaas lagu soo af jari jiray qilaafka markaasi jira si loo eego danta guud, nabadna loogu wada noolaado. Tasoo ay Ajanabigii wagaas Soomaaliya yimid ay la yaabeen maamulkaas iyo dhaqankoodaba.(Conflict Resolution and Historical Legacy of Geledi Sultanate ).

Waxaa nasiib darro ah in shacabka Soomaaliyeed 1000 sano ka dib, in loo yeeriyo habka dib u heshiisiinta loo sameeyo, gabdho yar yar ajanabi ah oo 20 jir ah loo geeno si ay u baraan habka Xalinta Khilaafka (Conflict Resolution) iyo Dib u Heshiisiin (Reconciliation.

Tani waxay ka mid tahay ayaan daradda haaysta umadda Soomaaliyeed. Waxaan hadalkeeyga ku soo gunaanadayaa waa inay umadda Soomaaliyeed ayaga dib u heshiisiin ayaga u gaar ah ay samaystaan si dib loogu soo celiyo nabada iyo wada noolaasho.

Waxaa Diyaariyay: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media