XAKAMEE XANAAQA! Xanaaqu wuxuu reebaa raad aan la baabi’in karin (Wiilkii musmaarrada & aabbihii)

0

(Hadalsame) 14 Agoosto 2019 – Hada kahor Waxaa jiray wiil yar oo xanaaq badan . Wiilka yar Aabihiis ayaa go’aansaday inuu Xal u helo Xanaaqa wiilkiisa, waxa uuna u yeeray wiilkii isaga oo Siiyay kartoon aay ku jiraan Musaabiir(musbaaro) waxa uuna u sheegay Haddii aay dhacdo in uu Xanaaqo uu hal musbaar ku Garaaco ama ku mudo Darbiga.

Maalintii ugu horreysay, wiilki yara wuxuu ku dhuftay darbigii 37 Musbaar. kadibWiilku si tartiib tartiib ah ayuu u bilaabay inuu xakameeyo xanaaqiisa dhowrka toddobaad Gudahood, tirada Musmaarada uu darbiga ku garaacayay ayaa si tartiib tartiib ah u yaraatay. Waxa uuna ogaaday inay fududaatay in la xakameeyo xanaaqa intii Mubaar lagu garaaci lahaa Darbiga.

Ugu dambeyntiina, waxaa timid maalin wiilku uusan xanaaqin. Wuxuuna u sheegay aabihiis.
Aabihii wuxuu u soo jeediyay wiilkiisa Haddii aay dhacdo in uu xanaaqo maanta kadib uu musbaar ka siibo Darbiga halka uu uga mudi lahaa, wiilkiina wuu qaatay talada Aabihiis.

Maalmo badan ayaa gudbay wiilkii yaraa ayaa ugu dambaynti awooday inuu aabihiis u sheego in uu dhamaan musbaaradii uu darbiga ka saaray.

Aabbihii gacanta qabtay wiilkii una soo jaheeyay Dhankii iyo darbiga uu musbaarada ku mudi jiray .
kadib ayuu yeri Sidaan:-

”Wiilkaygiiyow, si wanaagsan ayaad fashay, laakiinse bal fiiri godadka ku yaal darbiga . Darbigaka weligiis ma noqon doono sidii uu Asalka ahaa . Wiilkeygiyoow Ogoow Markaad wax u tidhaahdid xanaaq, waxay ka tegaan nabar sidii kan oo kale ah. Shakhsi ableey/toorey waad ku dooxi kartaa Waadna ka bixin kartaa . Macno malahan inta jeer ee aad dhahdo waan ka xumahay, balse dhaawacu waligii wuu jiri Doonaa.”

DULUCDA SHEEKADA

Xakamee xanaaqaaga, hana u dhibin wax dadka oo haku oran hadal xun waqtiga kuleylka ama xanaaqa uu ku haayi , Haddii kale goor danbe aay ka shalaay Doontaa . Noloshana Waxyaabaha qaarkoodn ma awoodid inaad dib u soo celiso.

Qore: Maxamuud Daahir Cabdi

Hadalsame Media