XOOLO INSIYOOW XAWAAQ: Wiilkii dhogorta lahaa & Geelii Uur Jiiddo!

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2019 – Waxaa la yiri naag ayaa waxay dhashay wiil, kaas oo ahaa mid aad u qurux badan, markaas ari bey raaceysay, ka dibna wiilkii geed ayey seexsatay oo arigii aadday.

Wiil dhogor leh ayaa loo dhigay halkii ay seexisay, keediina waa laga qaatay. Wiilkii dhogorta lahaa markii ay aragtay ayey aad u murugootay, waxay ooydo oo qayliso ugu dambeyn waxay go’aansatay in ay iska qaadato wiilka.

Ka dib markii uu arkay ninkeedii sidaa ay u tiiraayeysan tahay gacaladiisu ayuu waxuu ku yiri: “waxba ha ooyin, inoo daa waa korsaneynaaye”. Naagtii calaacalkii ayey sii wadday oo waxay tiri: “War wiilku kaygii ma ah, kani dhogor buu leeyahay, wiilkeygii sidan ma aheyn, oo waxbaa iga qaatay”.

Haddaba marka ay habeenkii seexato, waxaa wiilka madaxisa soo fadhista hal irman oo nirig wadata. Mar alla iyo markii ay indhaha ku dhifatana waa ay cararaan. Ka dib naagtii wadaad ayey u tagtay.

Wadaadkii waxuu soo faray in markii ay aragto hasha iyo nirigteeda ay tiraahdo: “Xoolo insiiyow xawaaq”.
Habeenkii dambe sidii ayaa ay yeshay, oo dhagax wax lagu aqriyey ayeey meeshi la fadhisatay.

Ka dib hashii baa soo fariisatay, taas oo aheyd mid oogada iyo uurkaba ku lahayd dhogor madow oo hasha waxaa ku lammaaneyd nirigteedii.
Sidii ayey yeeshay oo intay dhagaxii ku tuurtaty ayey tiri: “xoolo insiiyow xawaaq”.
Sidii ayeyna ku joogsadeen, oo geeli Uur Jiido baa loo bixiyey.

Wiilka dirkiisii waxa loo bixiyey reer Geedi Dhogorre, oo ilaa hadda dhogortii waa leeyihiin. Geelina weli waa jooga, oo waxaa la yiraahda geeli Uur Jiido.

Xigasho: Bare Axmad Nuur Yuusuf

Hadalsame Media