”Hadda waa Xajkii & Somalia ha is raacdo!!” – Sheeko dhacday!

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2019 – Sanadkii 2007-dii ayaa dhallinyaro London joogtey abaabuleen mudaaharaad ay kaga cabanayeen ciidankii Itoobiyaanka ee Xamar madaafiicda la dhacayey.

Waxaa sii raacay koox reer Somaliland ah.

Markii la tegey safaaraddii Itoobiya, ayaa qolyihii soo abaabulay ku dhawaaqeen “Itoobiya ha dhacdo!” Si fiican ayaa loo jiibiyey.

Mar kale ayey yiraahdeen “Soomaaliya ha is raacdo!” Qolyihii reer Somaliland ayaa yiri “Waar bal taa u yara kaadiya dee!”

Hadda waa xajkii iyo ‘Somalia ha is raacdo.’

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media