Marka aad ka xiise dhici waydo xiriir muddo jirey xusuustiisa!!

0

(Hadalsame) 13 Agoosto 2019 – In aad qof jacaylkiisa ka welwel beesho ayaad rabtaa. Xidhiidh mudooyin badan jiray oo xasuustiisa iyo dareenkiisaba leh ayaad doonaysaa inaad Ka tirtirto maankaaga.

Sababta is waagiinna keentay kolka laga yimaado, waxa aad rabtaa inay taadu kuu meel marto, ood noqoto qofka Xanuun la, Ka xiiso la, ka Xarrago Xumo la jacaylka Iyo waayihiisa. Waxa aanad doonaysa inaad xaaladada nololeed 60% u eekaysiiso sidaad ahaan jirtay intaanad qofkan baran ama jeclaan ka hor.

Dadaal Waxaad ugu Jirtaa In aad Ka baxdo
kalinimo iyo welwel adiga uun kuu gaar ah.
Waxa aad qaaday tallabooyin dhowr ah, kuma se guulaysatid.
Xasuusaha qofkani kuma daayaan.

Hurdo iyo soo jeedba waxa aad ku dhex nooshahay badweynta xasuusaha dheemmantii kaa luntay. Suuragalna weeye in aad hadiyadihii qofkaasi ku keenay qaarkood aad u quudhi kari wayday inaad tuurto ama agtaada ka fogayso.

Waxa aana suurto gal ah sawiradii qofkaa aad ka haysay ama ku wada jirteen qaarkood in aad awood u wayday aadku masaxdo.

Marbaabay rejo dambe oo qofkaasii kugu dhalan gaadhay, mise rajada qofkaasi kaama dhammaato.
Inaad Ku qasaarto jacaylkii qofkaa maad rabin,mana haysid oo waad wayday.

Waqtiga hadda aad ku jirto ma rabtid in aad kusii jirto. Mana rabtid in jacaylKa qofkaa kuu haya dartii noloshaada kale aad u haleeli waydo.

Tacab kastaaba hakaaga baxee waxa aad u ooman tahay in aad ka baxdo xaaladdan qallafsan. Ilmada aad iska tirtaa, ummaddana waa aad u dhoollo caddaysaa. Arrimaaguna waxa ay dhaafi waayeen in aad oydo haddana ilmada iska tirto.

Is diiddooyin kaaga ayaa badan, waxa aan se qiri karaa, in aad tebitaan badan tahay, tegitaan kuna kugu adkaaday.

In aan tacab kugu yarayn, talona kuu meelmarin. In aad taag iyo baryaba naftaada ku dayday Ku dayday si aad is beddal u dareento, weli se waxba isma beddalin.

Waad dedaashaa, haddana waxa jira sababo ku dhabar jebiya oo gadaal iyo halkaad ka timi kaaga dhawaaqa. Naftaadan qayb ka mid ah ayaa kuu diiddan samirka, kaana mashquulisa dariiqa saxda ah. Is diidooyinka naf wax jeceli ma hawl yara, maare na looma helo. Hawl illawgeeda waxaa loo maraa, hawlo kale qabashadoda.

W/Q: Jaylaani