Daalibaan oo dibedda ku sameeyay wax ay dadka ku dilaan marka ay dalka joogaan!!

0

(Samarqand) 13 Agoosto 2019 – Nimankaa wadaadada ahi waxa ay ka tirsan yihiin kooxda Taalibaan ee dhibka daran ku haysa shacabka Afqaanistaan.

Waxaa hoggaaminaya ku xigeenkooda dhanka siyaasadda Mullah Barada, waxa uu socdaal ku yimid waxyar ka hor waddanka Uzbekistan, arrimo la xiriira Afqaanistaan.

Waxa ay fursad u heleen inay soo booqdaan isaga iyo kooxdiisuba xabaalaha Qutham bin Cabbaas, saaxiibkii iyo adeerkii Nebi Muxamed (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), iyo Imam Bukhaari, kuwaa oo ku yaalla magalada Samarqand ee waddanka Uzbekistan.

Ragga iyaga ah gacmaha kor u taagayee ducaynaya, waxa ay maalinkasta ku qubaysanayaan dhiigga shacabka afqaanistaan iyadoo weli wadahadalkii nabaddu socdo!!

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media