”XEERKII NINKA XOOGGA LEH?!” – Dad badan baa xabsi ugu jira sawirkan oo kale

0

(Maka) 13 Agoosto 2019 – In la kulmo oo waqti la isla qaato ceeb maaha, haddaan laga dhigin, balse taasi waa sida ay dadka ku colaadiyaan rag badan oo sawirkan ka muuqda.

Tusaale, waxaa xabsiyada maamulka Somaliland ka buuxa dad badan oo loo haysto wax ay xaq u leeyihiin oo ah Xorriyadda is Muujinta ama sida kale Xoriyadda Hadalka.

Dadkaa qaarkood waxay eersanayaan inay sawirro la galeen ama la kulmeen madaxda Somalia, weliba waa wax u furan maadaama aanay xil u hayn maamulka Somaliland oo ah mid gooni u goosad doon ah.

Ha yeeshee, waxaa maanta baraha bulshada wareegaya sawir ay wada galeen Madaxwaynaha Somaliland & dhowr Wasiir oo ka kala tirsan DF Somalia iyo maamulka Somaliland.

Ku darsoo, maamulka Somaliland waxay aad ugu dhaliilaan hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Md Cirro inuu u janjeero dhanka Somaliland oo uu la kulmo madaxda DF Somalia, balse inta la ogyahay iyaga ayaa middaa ka badsada.

Waxaa u dambaysay beri dhowayd mar ay Nairobi u yaaceen, xilli ay is hayeen Kenya & Somalia, goortaasoo ay sheegayeen in ay la kulmayaan Madaxwaynaha Kenya, balse intii ay meesha joogeen waxaa soo baxay sawir muujinaya iyagoo la faqaya hoggaanka Xisbiga Wadajir, waxayna taa ku micneeyeen ”cadowgaaga cadowgiisa waa saaxiibkaa!!”

Haddii uu cadowgu Somalia yahay, siyaasigaasina wuxuu hoggaamiye xisbi ka yahay Somalia, marka dad badan baa gunuunuc ka keenay qiilkaas oo uu Faysal C Waraabe keenay.

Hadalsame Media