XOG: Inter & Fiorentina oo u heshiiyay Juventus (Arrin isku mid ah oo ay ugu caraysan yihiin)

0
MILAN, ITALY - SEPTEMBER 25: Federico Chiesa of FC Internazionale kicks the ball during the serie A match between FC Internazionale and ACF Fiorentina at Stadio Giuseppe Meazza on September 25, 2018 in Milan, Italy. (Photo by Marco Luzzani - Inter/Inter via Getty Images)

(Milano) 13 Agoosto 2019 – Kooxaha Inter Milan & Fiorentina ayaa sida la sheegayo u heshiiyay inay baloogaan qorshe ay Juventus ku nusatay laacibka Federico Chiesa, iyagoo taa biddaalkeeda doonaya inuu San Siro ku yimaado €70m fasalka soo aaddan 2020.

Waa tillaabo kale oo u jihaysan Dagaal Qaboow oo u dhexeeya saaxiibbadii hore ee Juve oo iminka col ah, waana Beppe Marotta iyo Fabio Paratici.

Sky Sport Italia, ayaa horay u sheegay in Juventus ay heshiis afka ah la gaartey laacibka Chiesa iyo wakiilkiisa, iyadoo kaddib laacibka u xilsaartay inuu riixo qaab uu ugu wareegayo kooxda Old Lady, taasoo ah qorshe ay aalaaba adeegsato.

Ha yeeshee, Viola ayaa iska caabinaysa isku daygaasi, iyadoo uu weerar rogaal celis ah qaadayo milkiilaha cusub ee Rocco Commisso oo si furan u sheegay inuu ka caroodey qaabka ay Juve arrinta u wajahdey iyadoon kooxda la xiriirin.

La Gazzetta dello Sport iyo Tuttosport ayaa iminka isku raacsan in Inter ay doonayso inay Fiorentina kula saaxiibto sidii Chiesa looga hor istaagi lahaa kooxda Juventus, isagoo taa biidaalkeeda San Siro imanaya 2020.

Kooxda Inter ayaa lafteedu u caraysan kooxda Bianconeri oo sidoo kale heshiis afka ah la gaartey qannaaska Inter laga rajiimiyay ee Mauro Icardi, taasoo keentay inuu diido kooxo kale oo lacag gaarey sida Napoli iyo Roma.

Waxay tani muujinaysaa in kooxaha Serie A ay durba bilaabayaan kacaan ka dhan ah Juventus iyo xeesha ay adeegsato oo ah inay laacibka shukaamiso, kaddibna ay kooxda ku cadaadiso inay usoo fasaxdo, iyadoo ku qaadanaysa qiime yar.

Hadalsame Media