Dal ciidamo hor leh soo dhoobay xeebaha Somalia xilli aysan jirin xiisab burcad badeed & laba TUHUN oo soo baxay!

0

(Muqdisho) 13 Agoosto 2019 – South Korea ayaa ciidamo hor leh oo dhanka badda ah usoo diraysa Gacanka Cadan, kuwaasoo ay sheegeen inay la dagaallamayaan ”burcad badeedda Soomaalida”, xilli aanu iminka jirin dareen noocaas ah oo la ogyahay.

Wararka qaar ayaa tuhmaya in ciidamadan cusub ee Koonfur Kuuriyaanka ihi ay qayb ka yihiin guulguulka Maraykanka ee Marinka Hormuus, xilli ay Jarmanka iyo Faransiisku ka diideen inay ciidamo kusoo biiriyaan, wax lagu sheegay isbahaysiga Maraykanka.

Markabkan oo ka tirsan Cheonghae Unit ayaa lagu wadaa inuu maanta kasoo furto dekedda koonfurta dalkaasi ee Busan, isagoo xeebaha Somalia ka fulinaya ”howlgallo burcad badeedka lagula dirirayo” wixii ka bilowda bisha Sebtember, sida ay sheegeen ciidamada Badda dalkaasi.

Markabkan oo sida ilaa 300 oo askari oo aad u tababaran, ayaa ku howlgelaya burburiye 4,400-tan ah oo la yiraahdo Kang Gam Chan.

Wuxuu sidaa ciidamo gaar ah, oo ay ku jiraan kuwa badda hoosteeda wax ku burburiya, unugyo Navy SEAL ah, duuliyeyaal iwm, kuwaasoo la sheegay inay ilaalinayaan maraakiibta South Korea ee maraya xeebaha Somalia, iyagoo gacan siin doona maraakiibta dalalka kale.

Dad badan oo Soomaaliyi ku jirto ayaa aaminsan in maraakiibta uu dal kastaahi usoo dirayo xeebaha Somalia aysan runtii burcad ilaalinaynin, balse ay ilaaliyaan doomo iyo maraakiib ay iyagu leeyihiin oo halkaa kaga kalluumaysta si sharci darro ah.

Hadalsame Media