SALUUG: QM oo qortay warqad ay ku qawadayso qaabka ay u socoto Doorashada Jubbaland

0

(Muqdisho) 10 Agoosto 2019 – QM iyo Beesha Caalamka ayaa ka digey daah-furnaan la’aanta doorashada maxalliga ah ee Jubbaland, iyagoo Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada ugu baaqay inay jid iyo jido u bixiyaan doorashadan lagu muransan yahay.

Warqad toos ula hadlaysa Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubbaland (JBIEC), wuxuu ergayga QM ee James Swan ayaa dood ka taagey habka loo raacayo doorashada Madaxwaynaha cusub iyo xildhibaannada degaanka.

Warqaddan oo sidoo kale sidda ururrada Jaalka la ah Somalia sida IGAD, AMISOM, Midowga Yurub, Maraykanka iyo qaar kale oo ay wakiillo ka joogaan Somalia, sida Turkey, ayaa waxay odayaal dhaqameedka ugu baaqeen inay caddeeyaan sida ay 3 musharrax uga xulanayaan xal xildhibaan.

Warqadda Swan, ayaa duraysa sida la iskugu hallayn karo inay doorasho xor iyo xalaal ihi halkaa uga dhici karto dabayaaqada bishan.

DF Somalia ayaa lafteedu Khamiistii soo saartay warqad ay ku saluugsan tahay sida ay wax u socdaan, iyadoo sheegtay in aan la aqoonsan doonin wixii halkaa kasoo baxa, haddii aan la raacin qaabka saxda ah ee doorashadaa loo qaban karo, isla markaana ay ”cawaaqibi jiri doonto.”

Hadalsame Media