Lakabyada amaan ee Villa Somalia oo aad wax looga bedeley

0

(Muqdisho) 10 Agoosto 2019 – Kaddib qaraxii 24-kii Luulyo ka dhacay Xarunta Xamar, halkaasoo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen qaar badan oo ka mid ah Madaxda Gobolka Banaadir, oo uu ku jirey Guddoomiye Yariisoow oo dhaawiciisii u dhintay 1-dii bishan Agoosto, DF Somalia ayaa arrintaa u aragtay mid ku khasbaysa inay wax ka bedelaan lakabyada amaan ee ku hareeraysan xarumaha DF.

Warar hoose oo uu helayo Hadalsame Media ayaa sheegaya in isku shaandhayn iyo wax ka bedelid lagu sameeyay dadka ka shaqeeya amaanka xarumaha DF Somalia.

Arrintan ayaa waxaa u sabab ah kaddib markii ay soo baxday in qaraxa ka dhacay Xarunta Xamar ay ku lug yeesheen xubno ka tirsan isla ilaaladii Xaruntaasi.

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka mid ah meelaha wax la beddeley hab-raacii amaan, iyadoo iminka aad loo baaro gaadiidka gelaya Xarunta Villa Somalia, marka ay marayaan baraha baariseed ee Seyidka, Xaawo Taako iyo Ceel-Gaabta oo ah saddexda waddo ee laga geli karo Xarunta Somalia looga taliyo.

Hadalsame Media