”Ma amaankooda ayaa HALIS ku jira!” – Ozil & Kolasinac oo laga reebay kulanka Newcastle (Baaris socota + Sawirro)

0

(London) 10 Agoosto 2019 – Laacibiinta Mesut Ozil iyo Sead Kolasinac ayaan qayb ka noqon doonin kooxda Arsenal ee wajahaysa Newcastle berritoole, kaddib ”dhacdooyin amaan oo dheeraad ah” oo la sheegay inay Booliisku baaris ku hayaan.

Arrintan ayaa soo baxaysa kaddib laba todobaad uun markii labadan laacib ay tuugo mooto ku joogta oo middiyo ku hubaysani ku weerareen woqooyi galbeed London, iyadoo uu Sportsmail fahamsan yahay in laacibiinta sidoo kale lagu weeraray meelo u dhow guryohooda.

Yeelkeede, laacibiinta ayaa sheegaya in ay amaan yihiin.

Muuqaallo horay looga faafiyay dhacdadii 1-aad ayaa muujinaya daafaca Kolasinac oo kasoo boodaya gaariga Ozil ee 4×4 Mercedes G-Class si uu u wajoho laba tuug oo mooto watey.

Labada laacib ayaa shilkaa kaddib dheeley ciyaartii ugu dambaysey ee xilli-horaadka ee Barcelona balse war ay shalay soo saartay kooxda Arsenal ayaa lagu xaqiijiyay inaysan u safri doonin St James’ Park.

‘Daryeelka ciyaartooydeenna iyo qoysaskoodu waa muhiimadeenna 1-aad, waxaana arrintan la kaashanaynaa booliiska,’ ayuu u dhignaa war rasmi ah oo kasoo baxay kooxda Gunners.

Hadalsame Media