DUNI WAREERSAN: Walaashii ayuu ceego ku diley kaddib markii ay ku murmeen furaha Internet-ka (Xukun lagu ridey)

0

(Atlanta, GA) 08 Agoosto 2019 – Wiil dhallinyaro ah ayaa xabsi daa’in lagu xukumay kaddib markii uu ceejo ku diley walaashii oo ay ku murmeen furaha wifi-ga laga galo internet-ka.

Kevon Watkins, oo ah 18-jir kasoo jeeda gobolka Georgia, ayaa 16 ahaa xilliga uu weerarku dhacay bishii Febraayo 2018.

Sida ay dadkii ka ag dhowaa ku marqaati fureen, wiilka ayaa bedeley furaha wifi-ga, isagoo ku doodaya in isticmaalka badani uu gaabinayo xawaaraha internet-ka, si uu ugu dheelo gacan ciyaareedka Xbox.

Hooyadiis ayaa deeto qolkiisa soo gashay si ay arrintan ugala hadasho, waxaana soo raacday Alexus Watkins, oo xilligaa 19-jir ahayd,

Yeelkeede, markii ay dooddii dheer dheeraatay wuxuu ceego ku dhegey gabadha oo laga fujin waayay muddo 10 daqiiqadood ah, sida ay sheegeen marqaatiyaal la hadlay The Macon Telegraph.

Hadalsame Media