DF Somalia oo Ethiopian Airlines uga digtey hal arrin oo ay ku dhaqaaqday

0
Lufthansa Airbus A300 B2. Bei Lufthansa von 1976 bis 1984 in Service. Foto: LH-Bildarchiv / Lufthansa: 1976 D 117-13-91

(Muqdisho) 08 Agoosto 2019 – Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka ee Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Oomaar oo Waraysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in diyaaradda Ethopian Airways aysan u kala gooshi karin magaalooyinka Soomaaliya dhexdooda, ganacsigaasna uu u xiran yahay Diyaaradaha Soomaalida oo keli ah.

Wasiir Omaaar waxa uu sheegay in uu jiro heshiis horay loo galay oo qabyo ah, balse diyaaradda Ethiopian Airways ay samayn karto oo keli ah duulimaad ah Muqdisho-Adisababa Ama Hargaysa-AdisAbaba Ama Garowe-AdisAbaba, sidaas si la mid ahna ay samayn karaan diyaaradda Somali Airlines ama ciddii ku matalaysa oo maxalli ah oo qura.

Wasiir Oomaar waxa uu sheegay in horay 1988-kii labada dawladood ay heshiis u kala saxiixdeen kaas oo ogolaanayay in labada diyaaradood ay tagaan dhawr magaalo oo ku kala yaal labada wadan, haddana ay wadaan heshiis cusub oo labada wadan u dhaxeeya.

Ugu danbayn Wasiirku wuxuu sheegay in Diyaaradda Ethopian Airways aysan u kala gooshi karin Magaalooyinka Soomaaliya dhexdooda sida Boosaaso iyo Muqdisho Ama Kismaayo iyo Muqdisho.

Yeelkeede, ay samayn karto oo qura Adis Abeba iyo Magaalo wadanka ku taal oo toos ah, taasoo ah inay hal meel kasoo gasho kana baxdo, balse aysan laba meel oo maxalli ah isu mari karin. Duullimaaad Magaalooyinka Wadanka gudihiisa ahna aan laga ogolaan doonin.

Hadalsame Media