LAXA JECLO LA’AAN: Akhri qiso hadda kahor kala qabsatay Shiine Somalia jid u dhisayay iyo Soomaalida!!

0
Sawirkani waa jid isku xira xaafadaha Angred Centrum & Hamarkullen ee magaalada Gothenburg, Sweden
Sawirkani waa jid isku xira xaafadaha Angred Centrum & Hamarkullen ee magaalada Gothenburg, Sweden

(Hadalsame) 07 Agoosto 2019 – Kaabayaasha dhaqaalaha waa u muhiim waddan walba oo caalamka ah, marka uu dalku leeyahay waddooyin ceynkan oo kale ah waxay fududeysaa isu socodka dadka, waxay soo gaabisaa waqtiga iyo fogaanta u dhexeysa magaallooyinka, waxayna sare u qaaddaa ganacsiga iyo dakhliga dalka.

? Xitaa haddii la helo dhaqaalihii naloogu dhisi lahaa waddooyinkan oo kale waxaa muhiim ah in la helo dad nadiif ah oo ka madax bannaan musuq maasuq kuwaas oo shillin walba ku bixiya halkii loogu talo galay.

? Shiineyskii Soomaaliya dhisay beri samaadkii ayaa laga sheegayay in dhowr jeer laga xaday qalab ka mid ah kuwii ay waddooyinka dalkeenna ku dhisayeen? Ayaantii dambe ayaa Injineerkii Indhayarka ahaa yiri “dalkaan dadkii lahaa aawaya? Kolleey kuwan maahane meeyay dadkii dalkaan lahaa?” Waayo waxaa ka dhaadhici weysay qalabka la xaday, cidda xadday iyo qofkii xaday wuxuu kala jeeday?.

? Isku soo duuboo waxaan ku rajo weynahay in ILAAHAY dalkan u bixin doono dhallinyaro wan wanaagsan oo ammaanada xifdiya isla markaana waddaniyiin ah kuwaas oo sanadaha soo socda horey usii dhaqaajiya dalkan haddii uu EEBBE idmo.

Waxaa Qoray: Yaxye Yuusuf Khasaaro

Hadalsame Media